|

Madaxweyne Shariif oo booqday warsheda daabacysa Lacagta iyo Passportyada Soomaaliya

Khartuum July 05,2012(SDN)-Madaxweynaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo booqanayay maalmihii u danbeeyay dalka Sudan ayaa booqday xarunta lagu dabaco lacagta Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu warbixin ka dhegeystay madaxa madbacada Eng Mohamed Hassan Al-Bahi oo ka warbixiyay sida wershedu u sheqeyso iyo sida lacagaha iyo dal ku galada ay sameeyaan ay amaanka u yihiin.

Eng Mohamed Hassan Al-Bahi waxa uu sheegay in ay daabacaada lacagaha iyo Passaportka Soomaalida u isticmaalaan sameyntooda farsamadii ugu danbeysay oo ah ta ugu qaalisan.

Madaxweyne Shariif ayaa intii uu booqanayay madbacada ka hadal ujeedada safarkiisa,waxaanu u muuqdey masuul loo soo casuumay in uu fikir ka qaato hawsha goobta ka socotay.

SDN-Khartuum

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed