|

Jerry John Rawlings:Dadka Sunta ku shuba Badda Soomaaliya waa in Maxkamada Hague la geeyaa

Dubai July 05,2012(SDN)-Madaxweynihii hore ee dalka Ghana isla markaana ah Ergeyga gaadhka ah ee Midawga Africa u qaabilsan dalka Soomaaliya Jerry John Rawlings ayaa sheegay in ay tahay in la maxkamadeyo Hugue.

Ergeyga oo ka qeybgalayay shir dhawaan ka dhacay magaalada Dubai oo looga arinsanayay dhibaatooyinka Burcad badeeda ayaa hadalkan jeediyay.

“In Burcad lala dagaalamo waa arrin aan si weyn u taageersanahay,waxaase sidoo kale loo baahan yahay in dagaal kaa ka weyn lagu qaado kwa baddaha Soomaaliya ku quba sunta,oo la geeyaa maxkamada Hugue”ayuu yidhi ergeygu.

Ergeyga ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in baahi weyn loo qabo in xeebaha dalka Soomaaliya la nadiifiyo.

Isla markaana dedaalkaas lagu kasbado quluubta Soomaalida,ka dibna Burcada diirada la saaro.

Ma cada in caalamku haatan uu u dhego nugul yahay talooyinka uu Jerry John Rawlings u soo jeediyay.

SDN-Dubai

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed