Meliishaad weeraray Mandheera oo dilay Gabadh ardayada
Mandheera July 05,2012(SDN)-Meliishaad Soomaali ah oo weeraray magaalada Mandheera ayaa rasaas ay fureen waxa ku geeriyootay gabadh yar oo ardayada,sida ay sheegeen ciidamada amaanka ee degmedaasi.
Meliishaadka oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ee AK-47ka lo yaqaano iyo kuwa G3ga la yidhaa ayaa dhac u geystay qaar ka mida meheradaha magaalada.
Meliishaadka oo afka soo duubtay ayaa dhar iyo lacag ay ka dheceen meheradaha ku qaatay Dameero isla markaana kala talaabay xadka Buullo Xaawo.
Gabadha ay ardayada ah ee dhimatay ayaa dhar rasaasa ay kaga dhacday laabta tiyoo ku jirta aqal Soomaali reerkoodu ku leeyahay duleedka Mandheera.
Degaanka Bariga Mandheera oo ay ku nool yihiin ilaa 30 Kun oo qoys ay klu nool yihiin ayaa waxa ka hawlgala uun afar askari oo ka tisan ciidamada Booliska.
Siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha bulshada ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay in amniga degaanka la habeeyo.
SDN-Mandheera
contact@somalidiasporanews.com