International Contact Group oo ku soo hadal qaaday Somaliland,maxeyse yidhaahdeen?
Rome July 04,2012(SDN)-Kooxda Xiriirka Caalemiga ee Soomaaliya ayaa kulan ay dhawr maalmood ku lahaayeen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga dabadii waxa ay soo saareen warmurtiyeed ay ku soo hadal qaadeen Somaliland.
Warmurtiyeedka oo dhawr bog ka koobnaa ayaa dhawr sadar oo ka mid ah lagu carab dhabay Somaliland.
“Kooxda Xiriirka Caalemiga ee Soomaaliya waxa ay xusayaan horukaca dhinacyada amniga iyo dawladnimada ee ay ku talaabsadeen maamul degaanada ay ka mid ka yihiin Somaliland,Puntland,Galmudug iyo degaanada ay ka arimiyaan Ahlu Sunna waljamaca. Dedaaladan ayaa mudan in la sii anba qaado gacan siintooda”ayaa lagu yiri qeybta qudha ee warmurtiyeedka looga xusay Somaliland.
Kulanka oo ayaa waxa ka qeyngalay African Union, Belgium, Burundi, Canada, China, Denmark, Djibouti, EastAfrican Community, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France,Germany, Intergovernmental Authority on Development, InternationalDevelopment Law Organisation, Islamic Development Bank, Italy, Japan,Kenya, Korea (Republic), League of Arab States, Netherlands, North AtlanticTreaty Organisation, Norway, Organisation of Islamic Cooperation, Qatar,Saudi Arabia, Somalia (TFG, TFP, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna WalJama’a), South Arica, Spain, Sudan, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda,United Arab Emirates, United Kingdom, United Nations, United States of America and the World Bank
Intii ka danbeysay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, xukuumada iyo guddidii ka qeybgashay kulamadaa waxa ay ku andacoonayeen in dunidu khaasatan reer galbeedku kala saareen Soomaaliya iyo Somaliland.
Balse hadalkan ka soo yeedhay ICGda ayaa muujinya sawir kaa ka duwan oo dad badana dareen ku abuuri kara.
Xeeldheereyaal aanu la xidhiidhnay ayaa qaba in xubno ka tirsan ka qeybgalayaasha shirka oo aan ku qanacsaneyn wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay ka danbeeyaan in warmurtiyeedka sidaa loo qoro.
SDN-Rome
contact@somalidiasporanews.com