|

Is barbar dhiga Xukuumada Siilaanyo maanta iyo shalay

Hargeysa July 04,2012(SDN)-Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maalmihii u danbeeyay sumcadeedu kor ugu kacay talo wadaag iyo wada tashi ay mujisay.

Xukuumada Axmed Siilaanyo oo bilawgii la kawsatay talo xumo dalka dhaxal siisay mucaarad khal khal gelin garayay xaalada dalka.

Waxa si isxigsiina loo qeybiyay xilalka iyo hantida ummadu wadaagto,waxa si qarsoodi ah loola macaamilayay Soomaaliya iyo inta xiiseysa arrimaha Soomaalida.

Waxa burbur loogu dhaqaaqay dhamaan heykalkii dawladeed ee 20ka sano qaatay dhisidiisu.

Dhamaan khaladaadkaasi waxa ay salka ku hayeen talo xumo iyo ismaqiiq ku saleysnaa inagaa helay doorashooyinkii.

Maalmahan danbase waxa aad mooda waxa ay ka tahayba in uu madaxweyne Axmed Siilaanyo isdaba qabtay.

Waxa taladii uu wax ka siiyay axsaabta dalka,waxa uu wadahadal la furay oo uu la heshiiyay mucaaridkii hubeysnaa.

Waxa tani keyntay in siyaasada dalka la wadaago oo si wada jira loo wejaho wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

waxaana haboon in xukuumadu halkaa ka sii wado qorshahan cusub ee ay haatan hirgelisay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed