Bugaag Geeddi ah: Socdaalkii Gabiley iyo soo bandhigii Maktabadda Wareegta
Gabiley, 03, July 2012 (Qurbejoog)- Maktabadda Wareegta iyo Bugaagta Geeddiga ee sannadkan laba jirsatay ayaa safarkeedii socdaalkii ku tagtay magaalada Gabiley ee Gobolka Gabiley, waxaana madashaas ku qaabiley Naadiga Akhriska Gobolkaas ee Tima-cadde.
Munaasibadan bandhiga Bugaagtan Geeddiga ah ee sannadkan oo lagu qabtay Hotel Xaaji Askar ee Gabiley, wax aka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolkaas Cali Case, Abwaan Hadraawi, aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac oo gadh-wadeen ka ah Geeddigan Bugaagta iyo Abwaan Axmed Aw-geeddi.
Ugu horeyn waxa madashaas ka hadlay Jaamac Muuse Jaamac oo ku hadlayay magaca xubnaha gardaadinaya barnaamijkan aqoonta guuraysa ah, waxaanu ka warbixiyay ujeedada ay u hirgeliyeen hawshan iyo faa’iidada bulshada iyo da’yarta ardayda ahba ugu jirta.
Abwaan Axmed Aw-geedi ayaa isaguna ku soo bandhigay qaar ka mid qoraalladiisa iyo Sugaantiisa tirada badan. Sidoo kale Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo hormood u ah aqoontan geeddiga ah ee loogu talogalay in dhinaca aqoonta bulshada ku dhaqan gobollada lagu wacyigeliyo ayaa si qoto dheer uga warramay faa’iidada aqoontu leedahay iyo waayo aragnimada laga dhaxlo waayaha adduun ee inagu xeeran.
Abwaan Hadraawi waxa uu bulshadii ka qaybgashay madasha bandhiga tusaale ugu muujiyay Maansadiisa caanka ah ee SIRTA NOLOSHA oo dhinacyo badan ka tilmaamaysa sida loo waajaho waayaha nololeed ee is-bedelka badan.
Waxa kale oo iyaguna madashaas ka hadlay xubno ku hadlayay magaca Naadiga Akhriska Gobolka Gabiley ee Tima-cadde.
Qurbejoog, Gabiley