Deeq Bixiyeyaasha oo dalbaday in Dastuurka Soomaaliya lagu daro xoriyada Diinta
Rome July 03,2012(SDN)-Deeqbixiyeesha caalamka ee maalgelinaya Dastuurka loo qorayo dalka Soomaaliya ayaa dalab aan nuuciisa hore loo arag hor dhigay kooxda qoreysa Dastuurka iyo DKMG ah ee Soomaaliya.
Hadalkan ayaa laga soo jeediyay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ka socda magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Madaxda DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa madaxdeedu ay shirka ku sugan tahay isla markaana ay ka warbixinayaan xaaladihii u danbeeyay ee dalka.
“Waa in aanu ku adkeysanaa in la helo in Dastuurka Soomaaliya uu kafaalo qaadaa cadaalad iyo sinaan dhexmarta diimaha kala duwan”sidaa waxaa shirka ka sheegay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Talyaaniga Giulio Terzi.
Wasiirku waa intaa ku daray in loobahan ayahay in”Diinta Masixiiga iyo diimaha kale Soomaaliya looga dhaqmi karo,halka Islaam uun haatan laga ogol yahay”.
Qorida dastuur cusub oo Soomaaliya yeelato waxa ay qeyb ka tahay dedaalada QM ay Soomaaliya ka wado.
Shirka kooxda Xiriirka Caalemiga ee Soomaaliya ayaa waxa ka qeyb gelaya ilaa 28 dal oo caalamka ka kala socda.
SDN-Rome
contact@somalidiasporanews.com