|

Maktabadda wareegta 2012: Safarkii 1aad, socdaalkii Boorama iyo soo dhaweyntii Maskax-maal

Boorama, 02, July 2012 (Qurbejoog)- Maktabada wareegta oo qayb ka ah Carwada Caalamiga ah ee Bugaagta Hargeysa, isla markaana sannadkii 2011-ka  laga hirgeliyay gobollo ka mid ah Somaliland ayaa safarkii ugu horeeyay sannadkan 2012-ka Maktabadani ay ku tagtay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxaana goobtaas Maktabadda Wareegta ku soo dhaweeyay Naadiga Akhriska Gobolka Awdal ee Maskax-maal.

Galabta oo ay bishu ahayd 02.july.2012 waxa ku soo hoyday magalada Boorama kun oo geeddi ah oo kazoo kicitimay magaalada Hargeysa.

Maktabada Wareegta oo ujeedada ugu wayn ee laga leeyahay ay tahay sidii ay bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan gobollada dalka ay u gaadhi lahaayeen buugaag kala duwan oo ka kooban sheekooyin, aqoon, maahmaahyo, sugaan, taariikh iyo qaar kale oo badan oo runtii loo baahan yahay inay wax ka korodhsadaan bulshada kala duwan ee meelaha kala duwan ee dalka ku nool.

Safarkan ugu horeeya ee sannadkan ay ku timi Maktabada Wareegta magaalada Boorama ayaa waxa gardaadinaya qoraaga wayn Jaamac Muuse Jaamac, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame oo ka qayb ah safarkan, qaar ka mid ah Naadiyada Akhriska ee gobollada dalka iyo xubno kale oo aqoonyahano ah.

Munaasibadan bandhiga Maktabada Wareegta ee magaalada Boorama oo lagu qabtay Hotel ee Rays waxaana si mug leh uga soo qaybgalay Masuuliyiinta Jaamacada Camuud oo uu ugu horeeyo Guddoomiye Saleebaan Axmed Guuleed, tiro badan oo ka mid ah Ardayda wax-ka-barata Jaamacada Camuud.

Ka hor furitaankii munaasibada bandhiga oo uu soo qaban-qaabiyay Naadi Maskax-maal ayaa madasha munaasibada oo si farshaxannimo leh loo dhigay buugaagta kala duwan ee ay xambaarsan tahay Maktabada Wareegta, iyadoo si-daba joog ah ay ugu soo qulqulayeen goobta ay yaallaan bugaagtu ardayda jaamacada Camuud oo hab-sami ah akhriskooda u bilaabay bugaagtii noocyada badnaa ee ay xambaarsanayd Maktabada Wareegta ee sannadkan 2012-ku.

Ugu horeyn furitaankii Munaasibada waxa ka hadlay Guddoomiyaha Naadiga Akhriska Maskax-maal Cabdilaahi Xuseen Caateeye oo isagu si milgo leh u soo dhaweeyay Maktabadan Wareegta iyo xubnaha aqoonyahanka ah ee gadh-wadeenka ahba.

Jaamac Muuse Jaamac oo isagu ah gadh-wadeenka Maktabadan Wareegta iyo Carwada Caalamiga ah ee Hargeysa, waxaanu si qoto dheer uga warramay ujeedada laga leeyahay Maktabada Wareegta, macnaha ay ku fadhido iyo waliba qiimaha ay aqoon ahaan u leedahay bulshada, isagoo dardaaran u diray da’yarta, isla markaana waxa uu codsi dhinaca hirgelinta Maktabo masuuliyiinta Gobolka Awdal iyo degmada Boorama.

Abwaanka Wayn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo munaasibadaas ka hadlay si xikmadaysan uga sheekeeyay xikaayaat ay ku duugan dardaaran uu u dirayay dhalinyarada aqoonyahanka iyo dadka waayeelka ahba, waxaanu nuxurka hadalkiisu ahaa sidii dadka waawayn ee xilligan joogaa ay wax ugu sheegi lahayeen dadka da’da yar ee waqtigan, isla markaana ay uga faa’iidayn lahaayeen waayo-aragnimadooda ay ka kasbadeen waayaha.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna ka hadlay qiimaha Maktabadani ay u leedahay dhalinyarada da’da yar.

Maktabadan Wareegta oo la filayo in maalmaha soo socda la gaadhsiiyo qaar ka mid ah gobollada waawayn ee Somaliland, iyadoo maalinta bari ahna ay gaadhi doonto magaalada Gabiley.

Comments are closed