|

Quluub Wada Jirtaa Qaniya Sheekhow !

Tan iyo markii ay dawlada uu gadhwadeenka ka yahay Xisiga kulmiye ay talada dalka la wareegtay muddo laga joogo labo sanno oo kaamila, waxay xukuumadu xooga saartay siddii ay talada wax uga siin lahayd labada xisbi ee mucaaridka. Waa nidaam cusub oo aan hore loogu arag labadii maamul ee ka horeeyay dalwada maanta jirta.

Dawladii uu hogaaminayay Md Daahir Riyaale Kaahin waxa in badan loogu caqli celin jiray inay xisbiyada mucaaridka ah la tashato, hase yeeshee waxay u arki jireen in taasi tahay daciifnimo muujinaysa inaanay garanayn waxa danta qaranku ku jirto. Waxay ilawsanaayeen in talo wadaaga lagu gaadho goaamo wax tar u leh ummada iyo qarankan curdinka ee u baahan in wax walba hareeraha la qabto. Gaar ahaan marka ay noqoto arrimaha heerka qaran taagan sida wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia.

Aan ku saxo haddii aad qaldantahay macnaheedu maaha waxba ma garanaysid. Madaxweyne Ahmed Silanyo isagoo ka duulaya odhaahdaasi waxa uu si geesino ku jirto ugu dhiiraday inuu Md Daahir Riyaale Kaahin iyo Md Faisal Cali Waraabe ku martiqaado aqalka madaxtooyada oo uu yidhaahdo waar Raggow maxaynu yeelaa xaal halkaasi ayuu marayaaye. Rag walaal wax uu ku dhaamo waan waayay ayuu oday Somaaliyeed hore ugu tiraabay. Taasi macnaheedu maaha inay joojiyaan shaqadooda mucaaridnimo oo ay dawlada ugu jiibiyaan talaabo kasta oo ay qaado. Labada hogaamiye mucaaridba waxaa looga baahanyahay inay shaqadooda qabsadaan isla markaana ay gutaan waajibaadkii saarnaa ee mucaaridnimo.

Dadkii u codeeyay labada xisbi ee mucaaridku waxay hogaamiyayaashooda ka sugayaan shaqadii ay u doorteen oo ah in ay dawlada toosiyaan isla markaana wixii dhaliila ee jirta ay dibada soo dhigaan. Dawladuna waxay u baahantahay mucaarid waafiya si aanay dabarka u goosan marwalba. Si taasi loo helo mucaaridkuna waa inuu yeeshaa hogaamiye shilis oo aan la loodin karin (Formidable Opponent).

Midda Kale, Madaxweynuhu isagoo mar walba iska leh go’aanka ugu danbeeya, haddana wax nusqaan ah kuma keenayso haddii talo kasta oo qarankan soo waajahda uu madaxweynuhu la tashado labada gole iyo madaxda xisbiyada qaranka. Dadka siyaasada ka faaloodaa waxay talaabadan Madaxweyne Ahmed Silanyo ee wada tashiga iyo wada shaqanta mucaaridka ku tilmaameen mid uu ku kasbabaday taageero badan iyo niyad samaan uga timid dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada. Dad badan oo siyaasada Madaxweynaha ka biyo diidsanaa ayaa imika u dhegtaaya talaabooyinka uu qaaday intiii uu bilaabmay wada hadalka labadad dawladood eeSomaliland iyo Somalia. In kastoo Madaxweynuhu aanu xoog u dhagaysan gabayada, haddana waxa la iisheegay inuu weli aad u jecelyahay tixo ku jira laba gabay oo Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timo-cadde uu leeyahay kuwaasoo kala ah:

Tix ku jirta Gabayga Qabyo oo ah:
1. Hayeeshee Quluub Wada Jirtaa Qaniya Sheekhoowe
Iyo Gabayga Canaan Shicib; oo ay tixahani ku jiraan.
1. Anfariirka Shiinaha Dhigee, Yurub ka Uugaantay
2. Ee Alif Malyuun Gaadhayaa, Waa Ushaa Qudha e’

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa in arrimaha kale ee qaranka horyaala uu qaabkan cusub oo kale ku waajaho. Waxaan madaxweynaha usoo jeedin lahaa in arrimaha Bariga Somaliland ee Sool iyo Buuhoodle uu guddi qaran oo ka kooban madaxda xisbiyada, goleyaasha qaranka iyo salaadiinta dalka u saaro. Arrinta bariga oo xooga la saaraa waxay soo dadajin kartaa in nabad waarta la gaadho dalkuna uu yeesho awood qaran oo kaamil noqota.

Axmed Cali Aadan
Birmingham
UK

Comments are closed