Jaamacadii Camuud oo ay Hadhaysay Maamul xumo, Qabyaalad iyo Cadaalad daro Aabe uu ka yahay Gudoomiye Saleemaan Guuleed
Intiinii akhrisatay maqaalkii hore ee aynu kaga hadlaynay arrimaha jaamacada Camuud ragaadiyay ee waydda ka dhigay oo aynu ka iftiiminay sawir guud. Maqaalkana waxaynu kaga hadli doonaa qaar ka mida dhacdooyinka ugu waaweyn ee Camuud ka dhigay jaamacada ugu liidata jaamacadaha ka jira jamhuuriyadan Somaliland.
Dhacdooyinkaa foosha xuni waxay soo bilaabmeen sannadkii 2002 oo ah sannadkii ugu horeeyay ee laga qalin jabiyay jaamacada camuud oo maamulka jaamacada camuud balan qaaday in saddexda arday ee jaamacada ugu dhibcaha sareeya ay qaadan doonto jaamacadu.
Markii la helay saddexhii magac ee ugu sareeyay dufcadii u horeysay ayaa waxa dhacday arrin fajac iyo amakaag ku noqotay dhamaan waxgaradka, aqoonyahanka iyo cidkastoo ogayd balanqaadkaa hore ee ahaa in la qaadan doono saddexdaa arday ciday doonaan ha noqdaane, saddexdaa arday ee ugu sareeyay jaamacada oo magacdoodu ahaayeen:
1- Cabdixakiin Axmed Kowsaar.
2- Prof. Radwaan.
3- Ifraax galbeedi.
Nasiib daro waxa uu hormuudka jaamacada (prof. Saleebaan) markale soo jeediyay in saddexdaa arday lagu qaybsado qaab ama nidaam beelaysi oo ahaa wax laga xishoodo sobobna uga dhigay madaama uu meesha ka maqanyahay magac matala haybta uu prof. saleebaan ka soo jeedo. Arrintaas oo sabab u noqotay ka tagitaankii labadii aqoonyahan ee walaalaha ahaa iyo qaarkale oo badan:
1- Prof. Axmed Xaashi Abiib. ( oo markaa ahaa G/ku xigeenka jaamacada)
2- Prof. C.laahi Xaashi Abiib. ( oo ahaa ninkii ugu qaaadhaan ururinta badnaa qurbajooga)
Oo ka xanaaqay nidaamka odhanaya beel wax halagu qaybsado, kana xaarana goobaha noocan oo kale una arkayeen fal murugo leh oo camuud la hadhi kara aakhirkiina sababtay in ay camuud ka goostaan markii ay waayeen dawlad iyo wax garad qabta qaladkaa oo u garsoora.
Sidoo kale waxa xusid mudan in Khadar Cali Timo-weyne oo ahaa lacag qabtaha jaamacada camuud si bilaa shuruuda looga eryey booskiisii si aanay cid kale oo haybta prof. Saleebaan ahayni u ogaanin maaliyada iyo dakhliga jaamacada oo lagu koobay qaybta maaliyada cid gaara.
Sidoo kale waxa xusid mudan in prof. Jaamac Aadan Cali oo ka soo jeeday degaanka Burco oo ahaa madaxa xafiiska diiwaangelinta (head of the Registration office) isagna laga eryay shaqadiisii ka dib markii arday isku fasal ah oo qaarkood laga reebay qalin jabintii, halka qaar kale oo saleebaan ay isku hayb yihiina la sii daaya si shuruud la’aan ah, markii uu prof. Jaamac cadaalad daradaa ka hadlayna si badheedha shaqadiisii looga qaaday isla markaana loogu caga jugleeyay inuu magaalada muddo kooban kaga baxo.
Sidoo kale waxa iyadna xusid mudan in maxamed Xirsi Qalinle(prof. qalinle) oo ahaa tiir ka mida tiirarka camuud laf dhabarta u ahaa hadana ah safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Djibouti ahaana madaxii kuliyada waxbarashada ee jaamacada muddo dheer, soona xidhay labada barnaamuj ee kala ah:
1- Barnaamujka tayaynta barayaasha dugsiyada dhexe (Scott)
2- Barnaamujka diplom ka ah ee loogu talo galay barayaasha dugsiyada sare.
Oo uga tagay jaamacada camuud markii uu bixin waayay musuqmaasuq iyo caddaalad darada ku salaysan habka qabiilka ee lagu maamulayo jaaamacada, markii uu ka hadlayna shaqada laga joojiyay, ka tagistiisiina ay sababtay in ay gabaabsi yihiin hadda labadaa barnaamuj ee uu pro. Saleebaan musuqmaasuqay oo u xidhay cid gaara lana duudsiiyay dadkii xaqa u lahaa. Iyo waliba ardaydii ka imanaysay gobolada kale ee dalka oo iyagna is dhimay cadaalad daradaa awgeed.
Sidoo kale waxa xusid mudan in ardayda ugu dhibcaha sareeya xagga (grade of the exam) la isdaba mariyo oo la qaato ama la saraysiiyo dadka ka soo jeeda haybta prof. Saleebaan taasina ay keentay in arday badan oo xaq u lahaa wixii ay shaqaysteen la duudsiiyo lana siiyo dad aan kasban oo aan tabcan. Tusaale ahaan: dufcadii u horeysay ee kuliyada beeraha ka qalinjabisay waxa si badheedha kaalintiisii loo dhaafiyay c.waaxid cilmi rooble oo ahaa ardaygii ugu darajada sareeyay kuliyada beeraha oo looga qaaday nin ay isku hayb yihiin saleebaan iadoo isdaba marin lagu sameeyay dhibcahooga, hadaba markay u cadaatay c.waaxid inuu isgu ka sareeyay, lagu idhi labadiinaba waa la ini tuuray, halka laga qaatay gabadh ay Saleebaan isku hayb yihiin.
Sidoo kale waxa xusid mudan, qalin jabintii ugu dambaysay ee jaamacada in yaasiin maxamed ileeye lagu sameeyay isdaba marin badheedha oo ahaa arday ugu sareeyay qaybta xisaabaadka xaqna u lahaa in la qaato ayaa waxa si beelaysan loo qaatay kaalintiisiina la galiyay filsan carab daa’uud oo ah lacag qabtaha guud ee jaamacada iyadoon ku helin kaalintaa dhibco balse ku heshay nidaamka qabiil ee jaamacada ka jira ayna keensatay prof yurub oo ah hada madaxa xafiiska diiwaangaliyaha (registration office) oo ay isku jufo hoose yihiin filsan carab.
Marka laga reebo ardayda ugu dhibcaha sareeya kuliyadaha ay ka tirsanyihiin oo mar mar hela( scholarship) oo ay ku kasbadeen dhibcahooga, ayaa waxa jira araday ay tiradoodu ka yarayn sadex boqol(300) oo laga dhaafo lacagta jaamacada (fee) kuwaasoo dhamaantood ka soo jeeda beesha saleebaan oo ah hormuudka jaamacada.
Guntii iyo gabogabadii, marka laga imaado arrimaha aynu kor ku soo xusnay, waxa maamulka guud ee jaamacada u kala sareeya prof. saleebaan iyo boqore oo isku hayba, qaybta maaliyada waxa u sareeya xaamud oo isagna la hayba ah labadaa. Lamana oga siyaasada iyo sharciga haga guud ahaan jaamacada.
Jaamacada camuud, shidaalka gaadiidka iyo waxqabad kaloo badanba waxay ka heshaa dawladda Somaliland, gaar ahaana gobolka Awdal waxay ku leedahay lacag go’an juwan kasta oo la jaro sida ardiyada, cashuuraha macaash macaashka ah, iyo shanta boqol ee laga qaado ganacsatada yar yar ee suuqa fadhiya, taasoo wax nasiiba ama qayba ayna ku lahayn jaamacada kale ee ka jirta gobolka awdal ee EELO university, taasina ay tahay caddaalad daro.
Hadaba, camuud oo sad bursiimahaa ka haysata dawladda iyo shicibkaba ayaa waxay ku tumataa xaqii ay labaduba ku lahaayeen, oo hawada camuudeed markaad gasho waxaa dareemaysaa inay camuudi ka madax banaantahay dawladda Somaliland, marmarka qaarna waxaad qaybo ka mida shaqaalaha jaamacadda ka maqlaysaa anaga dawladi waxba nagama qaadi karto.
Sidoo kale shacabkii sidaa u naasnuujinayay jaamacada waxa lagu kordhiyay lacag bixintii jaamacada iyadoo aan la soo bandhigin sababaha loo kordhiyay lacagta. Halka arday kastoo ka hadlana loogu hanjabay in la dhaafin doono jaamacada, kordhinta lacagtana waxa u dheer tayo xumo waxbarsho.
Ugu dambayna, dawladda iyo shacabkaba waxaan ugu baaqayaa in camuud loo gurmado oo ah hooyadii jaamacadaha Somaliland,intii aanay is ka hor imaad ku keenin bulshada dhexdeeda. Sababina karta nabad galyo daro.
Lasoco qaybaha dambana
Qalinkii: Maxamed Abiib Yusuf