|

David Shinn oo ka warbixiyay kulankii Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa June 02,2012(SDN)-Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Adis Ababa Mr David Shinn ayaa Horntv uga xog waramay sida uu u arko wadahadaladii dhawaanta dhex maray Somaliland iyo Somalia.

David Shin ayaa hadaladisii waxa ka mid ahaa;“Waxaan soo dhawaynayaa kulankii labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen wadanka Imaaraadka carabta, waxay wada hadaladaasi ay meesha ka saaraysaa is faham la’aantii mudada dheer ka dhaxaysay labada dhinac,”ayuu yidhi Mr Shin oo caawa u waramayay Horn Cable TV. Khabiirkan siyaadaha geeska Africa waxa uu intaa raaciyay “Wada hadalka u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya haddii aan dareenkayga ka hadlo waxay arrintani keenaysaa in xal laga gaadho halka ay kala taagan yihiin labada dhinac. Waxa xusid mudan in Soomaaliya ay muddo dheer la baaxaa-degaysay dagaalo iyo xasilooni darro. Somaliland indho gooniya ay ku eegaysaa wada hadalkan. Waxaanay doonaysaa inay dawladda dambe ee bedeli doonta TFG-da bishu u hadhay. Waxaan rajaynayaa in Somaliland ay dawladda cusub ay si adag wada hadalo toos ah ula yeelan lahayd.”

David Shin waxa uu intaasi ku daray in Somaliland ay iskeed wax u qabsatay caalamkana ay waajib tahay inay ku qiimeeyaan heerka ay taagan tahay. waxaanu ammaanay dawladnimadda shaqaynaysa, dimuqraadiyada iyo nabad-gelyada cagaha adag ku taagan ee Somaliland ka tisqaaday. Dublamaasigaas mar la weydiiyay sababta dawlada Maraykanku ay ugu dhiiran la’dahay aqoonisga Somaliland, waxa uu tilmaamay in ictiraafka Somaliland uu ku xidhan yahay inuu marka hore midowga Afrika ka yimaado. Waxaanu xusay in haddii taasi dhacdo aanu shaki kaga jirin in Maraykankuna aqoonsan doonaan madax-banaanida Somaliland.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed