Wasaarada warfaafinta Soomaaliya oo goaan adag dul dhigta warbaahinta Dalka
Muqdisho July 01,2012(SDN)-Wasiirka wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta war uu soo saaray waxa uu uga waramay goaan wasaaradiisu ay ku mudeeysay xilga kama danbeyska ah ee lagu diiwaangelinayo warbaahinta dalka.
Qoraalka wasaarada warfaafinta ayaa kiyoo dhameystiran u qornaa sidan;
Xafiiska Waaxda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Ujeedo: Wargelin Taariikh; 30/06/2012 – Iyadoo la fulinaayo siyaasada guud ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta ee la xiriirta ilaalinta nidaamka adeegyada Isgaarsiinta, Warbaahinta iyo Internet-ka, beekhaaminta ilaha dabiiciga ah ee Hirarka Isgaarsiinta ee kooban, dhiiragalinta ganacsiga furfuran iyo tartanka suuqa ee dhamaan Shirkadaha soo bandhiga adeegyada Isgaarsiinta, Teknoolajiyada Internetka iyo Warbaahinta.
Iyadoo Wasaaradu ku howlantahay wax ka qabashada cabashooyin isi soo taraya oo ku saabsan istcimaal sharci daro ah ee qeybo ka mid ah Hirar-Raadiyaha, Lambarada Isgaarsiinta Soomaaliya. – Iyadoo loo hogaansamayo qodobka (26aad) ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee qeexaya in shirkad iyo shakhsi uusan ku shaqeysan karin ama bixin karin adeeg Isgaarsiineed, Inernet, iyo Warbaahin iyadoo la isticmaalayo Hirarka Isgaarsiinta ee Raadiyaha haddii uusan Ruqsad (License) ogolaansho ka heysan Wasaarada.
Haddaba waxaa la farayaa dhamaan Shirkadaha iyo Shakhsiyaadka qabta adeegyadaas kor ku xusan ee aan haysan Ruqsadaha shaqo in ay la soo xiriiraan Waaxda Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada ee Wasaarada si ay isku diiwaan galiyaan, una helaan Ruqsad si waafaqsan sharciga ka hor maalinta Khamiista ah ee ay taariikhdu tahay 05-07-2012. Ciddii aan u hogaansamin amarkan kor ku xusan waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan”.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com