Madaxweyne Obaama oo ku Guleystay hirgelinta Medicare
Washington June 29,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ku guuleystay meel marinta sharci dalkaas looga hirgelinayo mashuurac dadka oo idili ay ku helayaan caymis dhanka caafimaadka ah.
Qorshaha Obaama oo ay xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuurigu si weyn uga horyimaadeen ayaa waxa sharciyeeyay maxkamada sare ee dalka Mareykanka.
Mareykanka ayaa waxa aan ka jirin ceymis guud oo kafaalo qaada caafimaadka mujtamaca dalka dunida ugu qanisan.
Qorshaha Madaxweyne Barack Obama ayaa waxa suurti galin kari waayay tiro madaxweyneyaal ah oo si weyn isugu dayay hirgelinta caafimaad guud oo Mareykanku yeesho.
Shirkadaha ceymiska ee dalka Mareykanka ayaa si weyn uga soo hor jeeday qorshaha dawladu ku sharciyeyneyso Caafimaadka dalka.
Madaxweyne Obama ayaa hirgelinta qorshahan waxa uu sal uga dhigay dib u soo doorashadiisa tartanka uu sanadkan mar kale u galayo xilka madaxtinimada.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com