Gollaha Wasiirada Xukuumada KMG ah oo maanta fadhi yeeshay
Muqdisho, Khamiis, June,28,2012—–Golaha Wasiirada Dowladda
Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo
shirkani uu guddoominayay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada
Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas
Khaliif, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu
horeysay xoojinta Amniga dalka, Arrimaha Roadmap-ka iyo
Ergooyinka,Maxkamadaha iyo Hantida ma guurtada la kala heysto iyo
arrimo kale.
Ugu horeyntii Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shirka
waxaana laga dhegeystay warbixin la xiriirta Amniga dalka iyo guulihii
laga gaaray howlgaldii ugu dambeeyay oo ay ciidamada Xoogga dalka
Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee ku xureeyeyn degmada Balcad oo ka
tirsan Gobalka Sh/Hoose iyo halka ay marayaan howlaha Amni ee dalka.
“26,June, ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ku guuleystay
iney gacanta ku dhigaan degmada Balcad ee Gobalka Sh/Dhexe
islamarkaana ay howlgaladada lagu xureynayo dalka ay sii socon
doonaan,Sidoo kale Gobaladii horey gacanta loogu hayay iyagana waa
lagu guuleystay in Amaankooda la sugo” islamarkaana la sii wadi doono
howlgalada”.
Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Axmed Xasan Gaboobe ayaa
isna Golaha Warbixin ka siiyay Wasaaradiisa, Wuxuuna tilmaamay in loo
baahan yahay in la dhiso Maxkamad u qaas ah sidii loo soo celin lahaa
Hantida la kala heysto islamarkaana ay Wasaaradiisa ku mashquulsan
tahay sidii loo dhameystiri lahaa wax ka qabashada Arrimaha
Cadaaladda.
Ugu dambeyntii Goluhu wuxuu soo dhaweeyay Nuqulkii ugu dambeeyay ee
Dastuurka dalka,kaasoo loo qeybiyaya Odoyaasha Dhaqanka
Soomaaliyeed,Islamarkaana Shacabka Soomaaliyeed loo marsiiyay qeybaha
kala duwan ee Warbaahinta.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com