Natiijada Shirkii Burcad Badeeda looga arinsanayay oo noqotay in Milion Dollar lagu deeqo
Dubai June 28,2012(SDN)-Shir dhawrkii maalmood ee ina dhaafay ka socday magaalada Dubai oo caalamku uga arinsanayaan sidii loola tacaalilahaa Burcad badeeda Soomaalida ee faraha baas ku haya maraakiibta isaga gooshta badaha Soomaaliya.
Shirkan oo maalmihii u danbeeyay oo dhan la filayay in ay ka soo baaxaan qodobo dhaxalgal ah oo Soomaaliya loogu sameynayo ciidan la dagaalama Burcada.
Anwar Gargash oo ah wasiiru dawlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Imaraadka Carabta ayaa saxaafada u xaqiijiyay in dalkiisu Million dollar ugu deeqay la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida.
Tani waxa ay muujineysa sida caalamku aanu diyaar ugu aheyn in ay si dhaba ula dagaalamaan Burcada Soomaalida.
Shirkanina waxa uu noqonayaa uun mid kale oo ka mida shirarka lagu hungoobay ee looga hadlayay arimaha Soomaalida.
SDN-Dubai
contact@somalidiasporanews.com