Urur-siyaasadeedka Wadani oo dhisay maamulkooda heer gobol ee Awdal iyo kuwa degmada Boorama, akhri magacyada masuuliyiinta la magacaabay
Hargeysa 27, June 2012 (Qurbejoog.com)- Urur-siyaasadeedka Wadani oo ka mid ah lixda urur ee cusub ee saddexda xisbi ee kumeel-gaadhka ah kula tartamaya doorashooyinka Deegaanka Somaliland, ayaa maanta dhisay maamulkooda heer gobol Awdal iyo ka degmada Boorama.
Sida lagu sheegay qoraal ay ku saxeexan yihiin guddoomiye kuxigeenka 1aad ee ururkaas Axmed Muxmed Seed, iyo Dr. Axmed Aaden Buuxane iyo Xasan Xuseen Maxamed oo ka tirsan hoggaanka ururkaas, waxa maanta si rasmi ah loo magacaabay 15 xubnood oo isugu jira maamulka ururkaas ee gobolka Awdal iyo kuwa degmada Boorama, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Maanta oo ay taariikhda bisha June 27/06/12 waxaa si rasmiya Gobolka Awdal looga dhisay maamulkii heer gobol iyo kii Degmada Boorama ee urur siyaasadeedka WADANI.
Mas’uuliyiinta loo doortay xilalkaa kala duwan ee heer gobol iyo heer degmo waa sida tan.
Heer Gobol;
1. C/kariim Muuse Maal (Gudoomiyaha Gobolka Awdal)
2. C/qaadir Daahir Ojor (Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Awdal)
3. Sahra Aw-Cilmi Maxamuud ( Gudoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Awdal)
4. Kharda Cismaan Cumar (Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Haweenka Gobolka Awdal)
5. Maxamed Geedi Qayaad (Xoghayaha Gobolka )
6. Maxamed Aadam Maxamuud (Kaarto) (Gudoomiyaha Abaabulka)
7. Maxamed C/kariim Daahir Ducaale (Korea) Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada G/awdal)
Heer Degmo
1. Eng: Dheeg Maxamuud Ducaale (Gudoomiyaha Degmada Boorama)
2. Xasan Siciid Guuleed (Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Boorama)
3. Hinda Cabdi Cali (Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad)
4.C/laahi Cismaan Yuusuf (Xoghaya Degmada)
5.Yoonis Ducaale Cabdi ( Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Degmada)
6. Safiya Cabdi Nuur ( Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Degmada)
7.Hodan Sheekh Axmed Salaan (Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Haweenka)
8.Cumar Muuse Cilmi ( Gudoomiyaha Abaabulka Degmada)
Hogaanka Sare.
Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Urur Siyaasadeedka WADANI, Mudane Axmed Mu’min Seed
2-Dr: Axmed Adam Buuxane
3-Mudane Xasan Xuseen Maxamed.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com