Mareykanka:Xagjiriinta Africa waxa ay wadaan wada shaqeyn
Washington June 27,2012(SDN)-Madaxa ciidamada Mareykanka ee Africa General Carter Ham ayaa sheegay in xagjiriinta ka hawlgala qaarada Africa ay wadaan qorsheyaal ay hawlgalo wada jir ugu fulinayaan.
Kooxaha Maqrib Shabaab iyo Boko Haraam oo gidigood xiriir leh ururka Al Qacida ayaa uu General Carter Ham sheegay in ay wadaan qorshe ay wada jir ugu hawlgalyaan.
“Kooxahan oo mid waliba uu khatar u yahay ayaa hadana waxa aan ka walaacsanahay in ay doonayaan in ay wadashaqeeyaan”ayuu yidhi Gen Ham oo u waramayay Xarunta wasaarada difaaca u qaabilsan Africa.
Gen Ham waxa uu intaa raaciyay in kooxahani ay haatan bilaabeen in ay isweydaarsadaan kharashaadka,tababarada iyo walxaha qarxa.
Kooxan waa Shabaabka,Boko Haraam iyo Meqrib oo ka hawlgala dalalka Soomaaliya,Nigeria iyo degaanka Meqrib ayaa u dagaalamaya in ay dawlado Islama hirgeliyaan.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com