Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo u duulay Dubai iyo Madaxweynihii hore oo wehelinaya
Hargeysa, 27, June 2012 (Qurbejoog)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka ka duulay madaarka magaalada Berbera, iyagoo ku sii jeeda magaalada Dubai ee isu-taga Imaaraadka Carabta.
Weftigan Madaxweynaha ayaa waxa ku wehelinaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, isla markaana ujeedada socdaalkooda ayaa ah inay halkaas kula kulmaan Madaxweynaha dalka Soomaaliya Sh. Sheekh Shariif Axmed iyo wefti ka socda dalkaas, kuwaasoo fulinaya qodobo hore uga soo baxay shir ay dhawaan labada dal kuwada yeesheen magaalada London cariga Ingiriiska, kaasoo qodobada ku jiray ay ka mid ahaayeen inay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya ay kulmaan, kulankaas oo loo qorsheeyay inuu maalinta bari ah ka qabsoomo magaalada Dubai.
Xubnihii hore uga qaybgalay shirkii London ayaa iyaguna ku sugan magaalada Dubai, waxaana jawiga weftigan ku cusub Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo markii ugu horeysay intii Xukuumadda Siilaanyo jirtay ka mid noqday wufuuda Somaliland ee ku guda jirta siyaasadda arrimaha dibedda iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
Qurbejoog, Hargeisa