|

Hargeysa: Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay shaqsiga ka dambeeyay isku-daygii dilka guddoomiyaha Maxkamadda gobolka iyo siday gacanta ugu dhigeen

Hargeysa 26, June 2012 (Qurbejoog.com)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay baadhis ay ku wadeen isku-daygii dil ee horaantii bishan lagu dhaawacay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Duraan.

Taliyaha oo shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen cidii ka dambaysay dhacdadaas isku-dayga dilka ah, wuxuuna ka waramay baadhis ay Boolisku ku wadeen dhacdadaas. “Waxaan halkan idiinku sheegayaa in aanu arrin qaranka iyo bulshadda Somalilandba ay naga sugayeen natiijadeedda oo si guul ah noogu dhammaatay, arrintaasoo ah falkii isku-day dilka ahaa ee lagu dhaawacay guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Duraan) 11-kii bishan,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay, in tan iyo waqtigaas ay ciidanka amnigu baadhis arrintaas ku saabsan wadeen. “Baadhis dheer ka dib, markii Ciidanka Boolisku ku qancay cidii falkaasi gashay, horena waxa noogu xidhnaa dad sideed (8) qof ah oo ku eedaysnaa inay falkaasi ku lug lahaayeen. Waxaanu markiiba la xidhiidhnay odayaal laba dhinac ah iyo dad kale oo muwaadiniin ah, waxayna ka hawlgaleen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaas geysatay. Nasiib-wanaag maanta oo bisha June tahay 26, waxa markii aanu arrintaasi u bandhignay ku qancay oo noo soo gacan geliyay odayaal laba dhinac ah,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Mr. Cabdillaahi Fadal waxa uu sheegay in guddoomiyaha lagu dhaawacay kiiskii uu xukunkiisa soosaaray ee la xidhiidhay masuuliyiinta musuqmaasuqa lagu helay.

Taliyuhu waxa uu si aad ah ugu mahadnaqay odayaal labada dhinac ah iyo ciidanka amaanka ee ka hawlgalay sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedaysanahaas.

Ugu dambayn, waxa kale oo uu u mahadnaqay odayaasha dhinaca dhibaha oo uu ku tilmaamay inay sugeen inta baadhistu socoto.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed