Qurbejooga Soomaalida Konfur Africa oo lagu amaanay in ay gacan ka geysteen siideynta la heysteyaal
Johannesburg June 26,2012(SDN)-Soomaalida ku dhaqan dalka Konfur Africa ayaa lagu amaanay sidii ay gacanta uga geysteen siideynta laba ruux oo Soomaaliya lagu heystay oo Konfur Africa u dhashay.
Saxaafada dalka Konfur Africa ayaa si weyn u hadal heysay maalmihii ina dhaafay doorkii ay Soomaalida dalkaasi ku laheyd siideynta la heysteyaasha.
Lacagaha madax furashada ayay qeyb aad u balaaran soo ururiyeen mudadii dedaalka loogu jiray siideynta labada ruux.
Madaxa urur Soomaalida Konfur Africa ay ku leedahay oo la yiraahdo Abdulxakiim Maxamed ayaa Muqdisho u tegey sidii dawlada iyo odey dhaqameedyadaba culeys loogu saari lahaa siideynta labada ruux.
Dawlada KMG ah oo siideynta labada ruux ka dib shir jaraaid qabatay ayaan ka hadal doorka Soomaalida Konfur Africa.
Ehelka iyo qaraabada dadka la sii daayay ayaase warbaahinta ka amaanay doorka ay Soomaalidu ka geysatay sidii labada ruux loo sii deyn lahaa.
Soomaalida Konfur Africa ayaa waxa caqabad weyni ka heysataa dhegalka mujtamica dalkaas.
Waxaana Soomaali fara badan oo ganacsi ku heysta dalkaas loo laayaa si hantidooda loo boobo.
SDN-Johannesburg
contact@somalidiasporanews.com