|

DHAQANKA &HAB NOLOLEEDKA SOOMAALIDA QURBAHA DA’YARTA IYO QOOYSASKA

Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib. Assalaamu Calaykum

Waxaan ugu horeen salaamayaa umada somaliyeed meelkasta oo ayku suganyihiin guddo iyo dibadba .Waxaan jeclaystay in aan diirada saaro dhambaal in badan igu waregaysanayay kaa soo aan jeclaystay in aan u gacan qaado maanta oo aan usoo gudbiyo walaaladay.

Waxan ka cudur daranayaa inta aanaan  dhex galin maqaalkan in laga rali noqdo wixii aan kaa cajabinin iyo wixii khalad ah ee ad ka heshid anigoo ku dadaali doono in aan ka ilaalsho qaladaadka iyo xad gudub intaba balse waxaynu nahay bashar oo khalad nagama  marnee  Eebe uunbaan qaldamin ee ha moogaan.

Hadaan inyar shaaca ka qaadno dhaqamada laga helay soomalida ku dhaqan Qurbaha da yar iyo qoysasba ama nolosha ay ku sugan yihiin qaar kood,,
Horta nolosha way isku dhex laran tahay oo isugu dhex jirta wanaag iyo xumaan farxad iyo naxdin.

Basle qarbay noloshooda u dhaami lahayd dhimasho falalka ay ku kacayaan aawadeed.

Hadaan ku bilaabo qoysaska oo runtii heer aan fiic neen garay hab dhaqan kooda kuwaasoo furitankii marayo %90 ku dhowaad aniga tiro koob kuma sameen ee waa qiyas guud.

Su aal: maxa gaar siiyay heerkas waa maxay waxa sababta u ah? Waxa heer kas gar siiyay  dhaqan kooda hadan daha ka yara qaado Akhristow sidaad ogtahay waxaa lasoo galay wadan cusub kaasoo leh dhaqan nagu cusub nolol nagu cusub anagana hadaanu nahay soomaali waxaynu lahayn dhaqan noo gar ah haba isugu jiro wanag iyo xuman mid loo riyaqo iyo mid aan la jecleesan oo in la cirib tiro mudan.

Hadaba guud ahaan ayadoo xalada guud sidaa aheed markan soo galnay wadamadan cusub ee qurbaha maxaan kala kulanay? Akhristow waad dareemi karta in lagala kulmay labadii dhaqan oo an si wafaqin ayadoo u dhertahay intooda badan baraf sida roobka u da iyo rafaad oo dhan Hadaba waxay ukala qayb samen qoysaskii laba.

kuwo dhexda u xirtay una gaashaantay sidii ay uuga dabaalan lahaa yeen mowjjadan ee soo dhex galeen taasoo ku qilaafaysa diiniyan iyo dhaqamiyan labadaba Iyo kuwo uu daadku qatay qayb shaydaan duufsaday dhabna mooday dhaalnteedka ay indhahooda arkayaan iwm.

Hadaba hadaynu ka yara hadalno kuwa daadku qaatay ama ka gashaaman waayay oo gacmo wada jirbay wax ku gooyaan aan is Oran guntida dhiisha iskaga dhig .

Waxay kala noqdeen laba qayb oo kale ah dhanka raga iyo dhanka dumarka ilaahay qadartiisa waxa isku beegmay nin rerkiisa ku dhex jira inuu dhaqdana raba iyo haweenay aan usoo jeedin oo dor biday aroos laga yimaado 3da habeen nimo iyo telefonkoo ay kula sheekesato mid kalan wax dhaamin amaba ka daran oo leh heblaayaa I casho geynaysa wareegna ku fanaysa hadii uu odaygu yidhaa fadhiiso oo reerkaaga dhaqana ugu jawaabaysa dee adba fadhiiso iyo erayo cadho leh waxaana ku xigta ii dhaaf guriga .

Marka odaygu ka baxo gurigana waxaa ku xigta intay telephone qataan heblaayo wacaya oo leh naa ma ogtahay waxaadhacay  kii ayaan maantana  dharkiisii bac uugu guray!! Laa xowla walaa quta ilaa bilaah**

Haweenayda sida ku sheekaynaysa qofka ay sheegayso .Waa qofkii nolosha lasoo qaybsaday waa ruuxii ay jirjkeda dharka uuga qaaday ayadoo cid walba u diiday oo ka xijaabatay waa caruurtedii aabahood waa lamaanihii nolosheda qofka ay sidaa foosha xun uugadhigtay abaal waa qofkii sabab u noqday in ay dagto Guri ay maamulkiisa hayso waa qofkii si sharaf leh uuga soo xil waregay rerkii ay ku dhex jirtay waa qofkii sabab u noqday in ay noqoto marwo qadarin mudan,, qofka caqilka ah wax garanaya uusan gudi karin abaal kiisa si kastuu u wanaajiyo ayay manta marka gaalo lasoo dhex galay lana arkay lacag yaroo intooda badan xaaraan lagu soo xaresto banaanka loo saaray!

Dhaqanna ka dhigatay telefon waqtiga lagu baa ba sho iyo xan la xamanayo dad islamed oo aan wax ay u gaysteen jirin iyo Qabyaalad na dhaxal siisay inaynu noqono qaxooti ku fiday daafaha calamka oo dhulkenii sharafta iyo saxan saxada udgoon lahaa bur burisay bal kala qaybshay dad aan kala go i lahayn waligood bal saamaysay walaalihii calool ka soo wada baxay ayagoo kala dhalay labo aabe oo laba qabiil ah.. iyo aroos la isku diyaarinaya laga bilaabo 9ka habeenimo lagana soo baxayo 3da habeenimo qasaman bilaahi inan arintan ben ku shegayn ee waa xaqiiqo jirta dumarkeeniina laga helay,,,

*Dhanka raga hadaan usoo jeesano waxay noqdeen ma shaqaystayaal dantooda ma gartayaal ka dhigtay bal wad fadhi ku diri iyo qabyaalad wanagna mooday baryada uu baryayo gaalada oo uu u hoor sanayo gacanta halkaana lacagta yar ay siiyaan ceerta ku biilin reerkisia uugana fikirin mustaqbalkooda waxna ka tarin qaraabadii dhibaneed ee looga yimi dalkii…

Hooyadii maskiinta ahayd ee ilahay calaf uuga dhigay qofka noocas ah ayaa caruurtii la kacaa kufaysa runtii qof caruur yar yar ku xiririto oo ku nool qurbahan aad bay u dhib badan tahay ugu horeen diyarinta aad u diyaarinaysid iskuulkooda iyo dharka barafka kacesha aad ku xir xiraysid ayaa waqti iyo saacado qaata intaa waxaa u dheer gaaladii ay saaka u diren oo ay hor fadhiyen in aad la socoto oo way diiso wixii manta loo soo dhigay iyo in diintooda la soo fara gashay ama la jecleesiyay diinta gaalada caruurtas oo u baahan juhdi wayn iyo in mar kasta aad caqiiqadooda dhisto oo ka dhaadhiciso in uu yahay muslim ilahay yaqan iyo rasuul kiisa galadan la dhex joogana aan isku diin ahayn.

Hadaba reerka howsha inta la eg utal bal kawaran in ay qoftii dumarka ahayd ay u taagan tahay lamaanahediina uu ama fadhiyo Tvga ama enternetka oo halkaa uuga jiro qabyalad iyo qolol inta is nacday isugu yimaadaan haday mucaawino way diisato ama iska dhaga tira ama si caajis leh u qabta hal shay kadibna ay ba iska dayso in ay wax u dirsato markay mudo sabartana xamili waysa oo dhahda Adiga maxad igu kor dhinaysaa haddii aadan ila dhaqayn gurigan naga dhaxeeya maxay tahay nolosha naga dhaxaysa Gabagabadiina noqota furitaan oo runtii ragu iska xil saarin arintaas oo ay la sahlanaato oo dalaaqii noqdo xalkii ugu horeyay ee reerkas bur burka qarka u saaran meesha ay diin teena suuban ka dhigtay xalkii u dambeeyay inuu noqdo,, Waxa jira qayb isku dhex jirta oo ku heshiiyay xaraanta iyo inay mel uuga dhacaan shareecada iyo magacii soomaaliyed.

Waxay samenayaa ayagoo is qaba ayay galada u tagayaan oo leeyihiin wan kala tagnay ! Subxanalaah ma oga in aysan arintaa xattaa kaftan galin oo danbi ay noqoto xattaa haddii lagu kaftamayay Intaa kuma ekaanaysee dadkii sidaa isku qoray oo isku diwaan galshay in ay kala tageen oo aysan is qabin ayaa islaantii uur qaadaysaa!! Ileen damiirkii ayaa dhintaye oo  xishoodkii ayaa baa ba aye haweenaydii ayaa xiliga foosha imanaysa dhaqtarka markay la kulanto dhaqtarkii ayuu gacanta usoo taagayaa ixtiraam ahaa asagoo salaamaya waxay la soo boodaysaa maya ma salaamno Ragga1 nacam way ku runsheegtay oo wa sax maxaase ka dambeen doona way u fiicnaan lahayd in ay iska salaamto!! Ok ayuu oranayaa waxay naga tahay anaga dhaqan iyo ixtiram ee wax kala nagama ahan dhaqtarkii ayaa saas ku jawaabaya,, Wuxuu soo qaadanayaa feelkii uu ku buuxin lahaa macluumaad keeda su aalaha uu  way diinayo ayaa waxa ka mid ah ninkaagii aaway? Waayo wadamadan haweenayda waa qasab in uu la socdaa ninkeeda marka ay umulayso si uu u ag taagnaado madama uu yahay ninkii dhalay ilmahas qofkii la  qaybsaday nolosheeda si uu uula qaybsado dhibkeeda!

Waxay ku jawaabaysaa qoftii dumarka ahayd: ilmahan wax iga dhalay saaxiibkay!!!  Allahu Akbar maxay dulmisay diintii maxay magac xumo usoo jiidatay islaamkii iyo soomaalidii, akhristow bal ka waran dhacdadan? Kawaran soomaalidenii in ay herkaa gaareen oo ay dhulka ku masaxeen sharaftii diinta iyo dhaqankii  soomaaliyed u noqday wax aan ixtiraam lahayn cayr xunoo adigaba aan kaa badneen miyaa intas oo dhan loo sameenayaa lagu iibsanayaa diintii iyo magacii soomaaliyeed.

Hadaba waxaan u soo jeedinayaa rag iyo dumarba inta qurbaha ku nool in marka hore ilahay laga baqo marlabaadna dhaqankeenii suubanaa loo soo noqdo oo caruurteena qurbaha ku dhalatay iyo inta ku kortayba aynu kula dadaalno sidii aynu diintooda u beri lahayn iyo dhaqankoodaba ugana soo qabano halka ay manta marayaan oo runtii meel laga naxo ah qofkii damiirlihina uu ka damqanaayo islaantii oo aroos ka tumaysa ama sheeko ku jirta odaygii oo marfash fadhiya caruurtoodiina ajanibku ku xaragoonaayo oo meelo xun xun  balwadaha lagu baraayo oo runtii markaad wadada ku aragto aad damqanayso .Waar caruurteena aynu usoo jeedsano oo dhaqankooda iyo diintoodaba barno ilayn beri adaa lagu waydinayaaye .

wabilaahi tawfiiq ….

waxaan hadalkayga kaga baxayaa tixdan gabaygaa oo runtii taabaynaysa dhaqankii somaliyeed ee hore iyo kan qurbaha ee aan  qadanay salaamu alaykum….

Maragaa ma Dumarka doorkiisii yaa Gabay?

Hidadeena doorka ah dhaqankeena dahabka ah

Diinteena sharafta leh kuma jirin dayowgani

Iska daba wareegani waalakala dambayn jiray Qofba
door lahaan jiray halka lakala dikaamayo Aasaaska
doorka ah oo lawada dukaashado Dumarkaa lahaan
jiray dihashada dhalaankiyo

Daryeelkiyo xanaanada daadihinta ubadkiyo

Dabcigiyo wanaagaba dumarkaa lahaanjiray

Aqal dahyo waynoo dul & hoos xariiriyo

Lagu daahay dahab wacan dumarkaa lahaan jiray

Marwo dabacsan oo wacan dibnaheeda xumaan karin

Deerkeeda dhaafayn darisku uduceeyoo

Xididka udadaashoo door keeda hanatoo

Geestuu kudaayaciyo ka dawaysa doorkaba

Dumarkaa lahaan jiray… DOORKII RAGGAA YIMI

Hibadeena doorka ah dhaqankeena dahabka ah Diinteena sharafta leh waa lakaladambayn jiray Door halyay ah oo wacan dabci & wanagbadan

Danihiisa dhaafayn garashadu ku dadantahay Raganimo dugaal sada darbiyada wareegayn

Dayactira dantiisiyo xilkuu guudka saartiyo Marwadiisa dahabka ka ilaalsha diiqada

Qalbigeeda daawada ka daweeya daanada
Hanad diiran baa jiray dayactira dhalaankoo

Maanku door yahay darbiyada wareegayn

Hadba tii udoorbido dooqiisu laacayn Deeqdii ilaahiyo marwadiisa dahabka ah .Dadka ula wacnaatiyo hanad diiran baa jiray Maxaa doorshay dhaqankii Maragaa ma dumarkaa?

Hidaheena damag yiri duugoobay oo dhumay

Dayaciyo dhibaatada duuflaalka nagu dhacay

Danada nagaa dhiyo daqarkaan xanuun ka leh

Dhaqan keena dooryoo aan kala dambayn jirin

Dumarkii ka bayreen deerkiyo xad koodii

Ka dakaame nimankii doorkay lahaayeen

Daacadii ilaahiyo laga boodyay dowgii

Daryeelkiyo wanaagii waxa ka darajo waynoo
Lagu diirsadaa yimid
Allahayow nadaba qabo:

Dumarkeenii ba yiri
Wax dhan baan daboolnaa
Ku dakaamay gurigaan
Daadihiyay ubadkoo
Darbiyada dhaqaayoon
Dana haygii seegee
Door kaygii weeyee
Dag dag kaalay iga qabo
Dayrka iyo ubadkaan!!
DOORKII RAGGAA YIMI
Nin mas uul udasha uriday
Weegaaray dayr wayn
Daabad reera daajeen
Dalqadii ku soo xiray

Ubad daadihayn iyo laga sugay
Dul qaad badan
Darbiyada istaagoo
Hadba tii udoor bido
Ladakeeya dhowr bari
Xilku diiri naynoo
Damac beelay baa yimi:
Allahayow na daba qabo

Isku duba ridkii iyo diyaarintii
Mohamed Ahmed Cige (Mohamed case)
Ottawa Canada

Comments are closed