WAXTARKAAGU YUU NOQON WAXYEELO SOKEEYE WAXYEELADAADUNA WAXTAR-SHISHEEYE QABTII-2
Dhamaantiin waad salaama tihiin
Ilaahay baa mahad iska leh dhamaanteed.
Shirarkani is daba jooga ah ee dibadaaha lagu qabanayo reer s/land xaq bay u leeyihiin in qodobadani ka soo baxaya in mid mid loogu icraabo looguna higaadiyo ta ay fahmayaan sidaasi ayey wax waliba ku xalaaloobayaan soomaalidu waxay tiraahdaa nin hagoog xumi inuu mar walba waxqarsanayo ayaa la moodaa (HADDALKA CADANI WAA QURUX) 1960 ninman hirdamaya ayaa ina geeyey bilaa shuruud oo isku muuqday waxtar bay inoogu sheegeen inay inoo tahay waxyeelo ayey isku rogtay ilaa iyagii laoogu abaal guday xadhig waxyeeladaasi waxtar shisheeye ayey noqotay
Marar badan waxaa dhacda adigoo is leh wax qurxi inaaad kharibto taasina waxaa keenta arrinkaa laftiisa oon la xalaaleyn oo wax la qar qariyo waxaan garan waayey arrinkani aad shacbigaaga ka qaranayso sow kolayba kaad kula soo noqonaysaa sow shacbigan maaha ? haa markaa waxaa haboon inaad marka horaba la tashatid shacbigaaga nidaamyadaadan ku quruxda badan magac sheegidooda waxaad aad muhiin kaga dhigtaa adduunkii markaad arrinkii tiraahdo waxaan soo marinayaa golaha shacbiga golaha guurtada golaha culi maa-u diinta golaha dadweynaha iyo fikirkooda markaa waxaa laguu arki (dawlad culus iyo nin culus oo mabdaaagana waa la qadarin waayo adigaa is qadariyey laakiin markaad dawladii shariifka ee iyadu doonaysa inay kula heshiiso aad adigiiba ka dheerayso ee adigu aad ka soo hor xusho dadkii ku matalayey taasi macnahaadu waxaad adduunka tusaysaa siyaasadaadii siday u eektahay inaanaad meesha waxba ku haynin nin fogna aanaad ahyn waayo adigaa dag dagaya ogow waxani waa siyaasad u baahan dhako intaanaad falin wax walba ka fiirso ha noqon ka hadalka ku horeeya noqo ka ugu danbeeya ha noqon ka ugu hor cadhooda noqo ka miiska ugu danbeeya wax marka lagaaga horeeyo waxbaad kala soo dhex baxdaa .meesha mid ogaada ciyaal kulmiyoow lacag la xawali mayo waxani waa siyaasad waliba ragaad isi soo hor fadhiisanaysaan ay khatar yihiin ay ka yimaadeen magaalo 10 maamul leh la socda amuuraha
Waxaan hadalka ku soo gunaanadi waxaad dadkaaga ooga soo xambaarayso dabada mar walba ha noqdaan waxtar iyo wax iyga dani ugu jirto ooy ku farxaan haddii kale waxaa uu noqonayaa waxyeelo . waxtarna waxaa uu u noqonayaa shisheeye labadaa mid uun weeye inad raali galiso shacbigaga iyo inaad raali galiso shisheeye. Mar labaad waxaan idin leeyahay waxtarkaagu yuu noqon waxyeelo sokeeye waxyeeladaaduna waxtar shisheeye dadkaaga qadari oo jeclow haddad dooni sharaf iyo maamuus lana soco dareenkooda amaanadoodana xaji oo la tasho arrinka way kula wadaagaane
Fuad jawi
Ottawa Canada