|

Madaxweyne Siilaanyo oo shacabka ku hambalyeeyay sannad-guurada 52aad ee markii Somaliland Xorriyada ka qaadatay Britain

Hargeysa 25, June 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacabka ku hambalyeeyay sannad-guurada 52aad ee markii ay Somaliland xorriyadda ka qaadatay Briatin 1960.

Xuskan 52aad oo ku beegan caawa saacadu markay 12:00 markii la saaray calanka Somaliland, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo tilmaamay qiimaha ay maalintani leedahay, wuxuuna dhambaal hambalyo ah oo Afhayeenkiisu soosaaray u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbiga   Guddo iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid  noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay  inay Jamhuuriyadda Somaliland guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga,.

Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay  la masuugin aqoonsiga  ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku  xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan  dawladnimo, dimuqraadiya  oo si wacan u hanaqaaday sidaana  la wada ogyahay loona qirsanyahay.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny  wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed