Boqolaal ka mida Ciidamada Mareykanka oo Muqdisho ku sugan
Muqdisho June 25,2012(SDN)-Boqolaal ka mida ciidamada dalka Mareykanka ootababro siinaya ciidamada dawlada ayaa ku sugan magaalada Muqdisho sida ay shaacisay barta Internetka ee Press Tv.
Ugu yaraan 39o askari oo ugu yaraan 38 ka mid ahi yihiin saraakiil ayaa ku sugan gegida duyuuradaha ee Aadan cade halkaa oo ay ku tababaraan ciidamada dawlada.
Cabdiwahaab Maxamed Cali oo ka mida saraakiisha ciidamada oo xogtan la wadaagay Press Tv ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay xabsi ku leeyihiin Muqdisho.
Waa xogtii u horeysay oo soo shaac baxda oo tibaaxeysa in ciidamo Mareykana ay ku sugan yihiin Muqdisho.
Mareykanku in mudo ahba waxa uu dagaal dhanka cirka ah kooxaha argegisida ah ee dalka ka hawlgala.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com