|

Madaxweyne Shariif oo Ciidamo ka dalbaday dalka Tanzania

Carusha June 24,2012(SDN)-Madaxweynaha dawalada KMG ah ee Somalia Sheekh Shariif ayaa safar uu ku tagay dalka Tanzania waxa uu madaxweynaha dalkaas hor dhigay dalb uu ciidan uga doono.

Madaxweyne Shariif oo kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete ka dib saxaafada la hadlay ayaa dalabkiisa jeediyay.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan caleen ka amaahdo nabada waartay ee dalka Tanzania”, ayuu yidhi Shariifku.

Madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete  ayaa ka meermeeray ka jawaabida dalbka ciidan ee Shariifka.

Madaxweyne Shariif aya saxaafada u sheegay in inkasta oo ay xaalada Soomaalia soo hagaageyso hadana nabad waarta ay dedaal badan oo dheeri ah u baahan tahay.

Isla markaana ay muhiim tahay in dalkiisu helo ciidamo nabadaa gacan ka geysta.

Madaxweynaha Tanzania ayaa doonaya in uu wada tashiyo dheeri ah sameeyo nta aanu goaanka ciidamo dirida gaarin.

Dawlada Tanzania ayaa haatan ah ta kaleiya ee bariga Africa ku taal ee aan ciidamo u dirin dalka Soomaalia.

Soomaaliya ayaa todobaatameeyadii waxa ay dhexdhexaadin ka gashay xurguf siyaasadeed oo u dhexeysay Tanzania iyo Ugaandha.

SDN-Carusha

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed