|

Natiijada Doorashadii Madaxtinimada Masar oo lagu dhawaaqay iyo codadka ay ku kala guulaysteen Maxamed Mursi iyo Axmed Shafiq

Qaahira 24, June 2012 (SDN)- Guddiga Doorashooyinka dalka Masar, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxtinimo ee dhowaan ka dhacday dalkaas.

Doorashadan oo ay wareegii dambe u ordeen Mohamed Mursi oo ka socday xisbiga hore mamnuuca u ahaa ee Ikhwaanu Muslimiin iyo Axmed Shafiq oo hore u ahaa Taliyihii ciidanka Cirka iyo Raysul-wasaarihii u dambeeyay ee maamulkii Madaxweyne Xusni Mubarak, waxa natiijadeeda ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Masar.

Faruq Sultan oo ah guddiga Doorashooyinka Masar, waxa uu sheegay in murashaxa Maxamed Mursi ku guulaystay, isla markaana uu helay 51.7% codadkii la dhiibtay.

Ninka la tartamayay Mr. Axmed Shafiq waxa uu helay 48% codadka laga dhiibtay doorashadii madaxtinimo ee 16 iyo 17-kii Juun ka dhacday dalka Masar.

Hadda waxa magaalooyin ka tirsan dalka Masar ka socda dabaal-degyo waawayn oo la xidhiidha guusha Maxamed Mursi oo ah 60 jir cilmiga Injineernimada ku bartay dalka Maraykanka.

Maxamed Mursi waa Madaxweynihii u horeeyay ee ay dadka Masaaridu si xor ah u soo doortaan muddo dheer.

Qurbejoog.com, Qaahira

Comments are closed