|

Dawlada KMG ah oo Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland ku eedeysay si xun u isticmaalka Baasaboorka Soomaaliya

Muqdisho June 24,2012(SDN)-Taliyaha waaxda Socdaalka ee DKMG ah ee Soomaaliya Gen Cabdulaahi Maxamuud Gaafoow ayaa maanta shir jaraaid oo uu Muqdisho ku qabtay waxa uu uga waramay dad dhawaan lagu qabqabtay Baasabooro kuwii hore ah isticmaalayay.

Sidoo kale Gen Gaafoow waxa uu dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay in ay weli aqbalaan baasaboorkii isticmaalkiisa.

“Waxaan qabanay 100-baasboor oo loo waday Somaliland, marhore baan joojinay baasboorka cagaarka, laakiin weli waxaa laga isticmaalayaa Somaliland iyo Puntland”.

Gen Gaafoow waxa kale oo uu sheegay in mamuladaasi ay cadaadiyaan muwaadiniinta sita Baasaboorka cusub ee E-Passaport oo ah ka dawladu dalka u soo sameysay.

Dawlada KMG ah ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday qorshe ay ku dardar gelineyso isticmaalka E-Passport.

Gen Gaafoowna waxa uu dawlad walba oo KMG ah oo timi intii ka danbeysay burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya uu u soo sameynayay Passpaotyo cusub.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed