|

Faysal Cali Waraabe:Ninka Gaalkacyo kala qeybiyay Soomaali diid naguma sheegi karo

London June 24,2012(SDN)-Wefdigii Somaliland uga qeybgalay wadahadaladii Somaliland iyo Somalia ee dhawaanta London ka dhacay ayaa waxa ay kulan la qaateen jaaliyada reer Somaliland ee cariga Britain.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen dhamaan wefdigii Somaliland shirka uga qeybgashay shirka oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiya Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Faysal Cali Waraabe oo halkaa khudbad dheer ka jeediyay ayaa u jawaabay hadal ka soo yeedhay madaxweyne Faroolaha madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo ka hadlay wadahadalada isla markaana dhaliilay.

Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in ay aheyd in Puntland iyo Somaliland kolka hore ay wada hadlaan,isla markaana aanay goosasho jiri kareyn oo Soomaali aaney kala maarmi kareyn.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadka Soomaalida kala dilay aaney Somaliland dhaliilin.

“Ma aha dadka Gaalkacyo kala gooyay in ay ina dhaliilaan”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal mar uu u jawaabayay Madaxweyne Faroole.

Si kastaba ha ahaatee waxaad mooda in aaney si fudud ku dhamaan doonin dooda la xidhiidha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed