Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland oo markii u horeysay soo bandhigay fikirka uu xilka ku waayay
Hargeysa June 24,2012(SDN)-Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Md Maxamed Xaashi Cilmi ayaa kolkii u horeysay si badheedha u soo bandhigay fikirkiisa ku wejahan Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirkii hore Maaliyada ayaa wareysi uu siiyay shalay BBCda waxa uu uga waramay sida uu uga soo horjeedo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.
Eng Maxamed Xaashi ayaa kulankii u danbeeyay ee wasiiradu yeeshaan ee uu ka qeybgalay waxa uu ku soo bandhigay diidmadiisa wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Kulankaa Gollaha Wasiirada Somaliland yeesheen ayaa waxa cod loogu qaaday in Xukuumadu ka qeyb gasho wadahadalada iyo in kale.
Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi ayaa xiligaa noqday Wasiirka Qudha ee ka soo horjeestay Qorshaha madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ku wejahan wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.
Iminkana waxa uu noqday siyaasiga qudha ee buuxiyay kaalintii mucaaridka ee toosinta Xukuumad.
Maxamed Xaashi iminka kama mid aha ururada siyaasada ee dalka waana sababta u saamaxday in uu si xor ah uga dhab waramo doodaha ku xeeran wadahadalada Somaliland iyo Somalia.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com