|

Suxufiga Farshaxanta ah ee Amiin Caamir oo Sawir-gacmeed xiiso badan ku cabiray wada-hadaladii Somalia-Somaliland

Hargeysa 23, June 2012 (Qurbejoog.com)- Suxufiga dhinaca farshaxanimada sheekooyinka ee Amiin Caamir, ayaa sawir-gacmeed xiiso badan ku cabiray wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo Khamiistii lagu soo gebogabeeyay duleedka magaalada London.

Wada-hadalkan oo ahaa kii u horeeyay ee muddo 21 sannadood ah ay is toos ah labada dhinac isku soo horfadhiistaan, waxa wejigiisa koowaad oo duleedka London laba maalmood ka socday laga soo saaray qodobo 8 ka kooban.

Hase yeeshee, Amin Amir oo aad loo xiiseeyo sheekooyinkiisa uu sawir-gacmeedka ku cabiro, waxa uu taas bedelkeeda 8 qodob oo kale ku cabiray natiijada ka soo baxday wada-hadalkaas.

Sheekada uu sawir-gacmeedka ku cabiray farshaxanka Amiin Caamir, waxa maanta si wayn looga hadal-hayay goobaha lagu kulmo ee caasimadda Hargeysa.

Haddaba, akhriste halkan ka eeg oo ka bogo sheekada uu sawir-gacmeedka ku muujiyay ee natiijada kulankii Somalia-Somaliland ee London;

 

 

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed