Mareykanka oo ka Digay Falal Argegixiso oo ku Wejahan Mombasa
Nairobi June 23,2012(SDN)-Safaarada Mareykanku ku leeyahay Kiinya ayaa qoraal ay maanta shaacisay ugu digtay dhamaan shaqaalaha Safaarada iyo muwaadiniintooda booqashada magaalada Mombasa mudo laba todobaad ah.
Qoraalkan ayaa lagu xusay in Safaradu heshay xog cadeyneysa in Mombasa ay ku soo wejahan yihiin weeraro ay maleegayaan kooxo Argegixiso ahi.
Qoraalkan Digniinta ah ayaa farya in shaqaalaha Safaaradu ay isaga yimaadaan Mombasa oo ay hawlahooda ka wadaan Nairobi ilaa horaanta bisha July ee ina soo heysa.
Hadalka Safaaradu soo sartay ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka dib kolkii ay soo shaacbaxda in ciidamada FBIda ee Mareykanka iyo kuwa Kiinya in ay hawlgalo wada jira kula wareegeen shixnad laga shekiyay oo ka timi dalka Ciraaq.
Shixnada ayaa lagu sheegay kolkeedii hore in ay aheyd qalabka dhismaha,iminkase lama oga waxa ay dhab ahaan tahay.
Si kastaba ha ahaatee digniintan Safaarada ayaa ku soo beegmeysa xili horeba khalkhal uu ugu jiray amniga guud ee Kiinya.
Kiinyana dhaqaaleheedu waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay dhanka Dalxiiska oo iminka hoos u dhac weyni ku yimi,ka dib hoos u dhaca amni ee dalka ka soo wejehay Soomaaliya.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com