|

Nin Soomaali ah oo Gabadh Soomaaliyeed Toreey ku dilay oo Maxkamadi xabsi dheer ku xukuntay London

London June 22,2012(SDN)-Nin Soomaali ah oo sanad ka hor Gabr Soomaali ah ku dilay xaafad ay ku wada noolaayeen bariga magaalada London ee dalka Mareykanka.

Zakaria Maxamed ayaa qirtay in uu Amina Aadan oo ay wada noolaayeen uu Toreey ku dhuftay in ka badan 57 jeer.

Zakaria ayaa hore laba jeer u dilay inanta isla markaana sugayay xukun maxkamdeed.

Maxkamada ayaase u dirtay fasalo uu Zakariya kula tacaali karo carada.

Aamina ayaase intaanu maxkamada iyo fasalada oon dhamaan la heshiisay ninkan dilay sanad ka hor.

Xukunka maanta Maxkamadu ku riday ninkan gacan ku dhiig laha ah ayaa 26 sanadood ugu yaraan xabsiga u diraya.

Dilakan ayaa ah mid kolkii saxaafadu shaacisay Novenbertii hore waxa uu naxdin iyo murugo ku beeray Soomaalida UK ku nool.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed