|

Dawlada Angola oo qabqabatay Soomaali dalkaas Qaxooti ahaan ku Joogta

Luanda June 22,2012(SDN)-Ciidamada dalka Angola ayaa maalmihii ina dhaafay waxa ay hawlgalo ay qaadeen ku soo qabqabteen tiro Soomaali ah oo dalkaa ku joogay Qaxootinimo.

Soomaalida Luanda ku nool ayaa maalhii u danbeeyay ay soo wejahday cabsi iyo werwer dheeri ah oo ku wejahan hawlgalada.

Soomaalida Angola ayaa hadal ay saxaafada u soo bandhigay dalab ay u gudbiyeen DFKMG ah ee Soomaaliya oo ay uga dalbanayaan in ay gacan ka siiso siideynta dadka ay ciidamadu qabqabteen dhawaanta oo tiradooda lagu sheegay ilaa 50 ruux.

Dawlada dalka Angola ayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin hawlgaladan iyo tirada dadka ee ay hayaan iyo waxa ay ka yeelayaan.

Soomaalida ayaa beryahan danbe caadeystay in dalalka Africa ay u dhexmaraan sida gobolada dalkooda iyaga oo isugu jira Rag iyo Dumarba.

Soomaali ciidaa ka badan ayaa dhibaatooyin aan halkan lagu soo koobi karin kala kulmay safaradooda Tahriibka ah.

SDN-Luanda

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed