Aqoonyahano ka Waramaya Wadahadalo dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland(DHEGEYSO)
Ottawa June 22,2012(SDN)-Aqoonyahanada Dr Xirsi Cabdirkariim Ciyoow iyo Proff Xuseen Warsame oo ka soo kala jeeda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ka waramaya caqabadaha hortaagan wadahadal dhex mara labada dhan.
Dr Ciyoow oo reer Konfur ah ayaa qaba in midnimo Soomaali dhexmarta ay ka horeyso isa sixid ka timaada dhanka Soomaaliya.
Halka Prof Warsame oo Somaliland ka soo jeedaa uu qabo in xalka Soomaalidu uu ku jiro iyada oo loo wadahadlo loona midoobo Soomaaliya iyo Somaliland,si arrimaha kale aaney fursadba u helin.
Wareysigan oo Taariikhi ahaa ayaanu dib ugu soo celinay kolkaa aanu aragnay muhiimada uu Akhristeyaasha haatan oo la gudo galay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland u leeyahay.
Halkan Hoose ka dhegeyso Wareysigan Taariikhiga ah ee Somalidiasporanews.com la yeelatay Dr Xirsi Cabdikariim Ciyoow iyo Prof Xuseen Warsame.