|

Nuxurka qodobo iskaashi u badan oo ka soo baxay Shirkii Somaliland iyo Soomaaliya

London, 21, June 2012 (Qurbejoog)- Shirkii shalay magaalada London uga furmay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa maanta soo gabgaboobay, iyadoo laga soo saaray qodob oo ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Shirkan oo ay ka qaybgalayeen guddiyo ka kala socday labada dhinac ayaa isla qaatay sided qodob oo u badan iskaashi iyo isfaham labada dhinac ah.

Qodobbada shirk ka soo baxay:

1. In wada shaqayni ay dhex marto Somaliland iyo Somalia, iyada oo laga duulaayo shirarkii Londoniyo Turkiga.

2. Ina wada shaqayn yeeshaan labada dawladood Somaliland Iyo Somaaliya iyo dawladda badali doonta TFG

3. In labada Madaxweyne ay kulan ku yeelan doonaan waddan ka mida waddamada khaliijka Carabta

4. In labada dhinac ay samaystaan guddi farsamo oo sii anba qaada wada hadalada

5. In caalamku ka shaqeeyo gargaarka labada waddan, waa Somaliland iyo dawladda ku meel gaadhka ah.

6. Inay ka wada shaqeeyaan la dagaalanka aragixisada, budhcad badeedda iyo arrimaha amniga

7. In la sameeyo isku socod dhinaca xuduudaha ah mustaqbalka dhaw.

8. In khubaro dhanka qaanuunka, dhaqaalaha iyo ammaanka u yeedhaan labada dhinacba.

Qurbejoog, London

 

Comments are closed