|

Madaxweyne ku-xigeenka oo gurigiisa ku booqday Wasiirul-dawlaha Khaarajiga Somaliland

Hargeysa 21, June 2012 (SDN)- Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici), ayaa maanta gelinkii hore gurigiisa ku booqday wasiiru-dawlaha Khaarajiga Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan.

Wasiiru-dawlaha oo todobaadkan dalka ku soo laabtay, waxa uu muddo xanuun u jiifay cusbatal ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska, ka dib markii uu xanuun ku soo booday dabayaaqadii bishii February ee sannadkan.

Madaxweyne kuxigeenku waxay booqashadiisu la xidhiidhay sidii uu indhihiisa ugu soo arko Dr. Maxamed-rashiid, ugana xog-warayso xaaladiisa caafimaad.

Madaxweyne kuxigeenka waxa booqashada uu wasiiru-dawlaha ugu tegay ku weheliyay wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Maxamuud.

Dhawr maalmood ka hor, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isna booqasho ugu tegay Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan.

Bahda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxay Illaahay uga baryayaa inuu caafimaad taam ah siiyo Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo xilka qaran ee uu hayo, ka sokow ka mid ah aqoonyahanada dalka.

Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan waxa uu 2010 mar u orday xilka Madaxweyne ku-xigeenimo, wuxuuna ahaa murashaxii ku lamaanaa Eng. Faysal Cali Waraabe oo waqtigaa ahaa murashaxa xisbiga UCID.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed