Hargeysa: Xuska Maalinta Qaxoontiga oo loo dabaal-degay iyo Soo-gelootiga tiro badan oo cabasho isugu urursaday goob keliya (Daawo Sawirada)
Hargeysa 20, June 2012 (SDN)- Munaasibad lagu xusayay maalinta Qaxoontiga Adduunka oo sannad kasta loo dabaal-dego 20 June, ayaa maalinta lagu qabtay magaalada Hargeysa, iyadoo ay duruufo qalafsan tirsanayaan qaar ka mid ah Soo-gelootiga dalka jooga.
Munaasibaddan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Qaxoontiga ee UNHCR, laguna qabtay hotelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay wasiiro xukuumadda Somaliland ka tirsan, madaxda hay’addaas iyo ilaa shan boqol oo ka mid ah Qaxoontiga Hargeysa ku sugan.
Waxa munaasibaddaa ka hadlay madaxda UNHCR xafiiskeeda Somaliland, wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland qaybta Amniga Mr. Cabdullaahi Abokor, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dib-u-dejinta Cali Maxamed Cabdulle (Biikalo) xubno u hadlay qaxoontiga iyo masuuliyiin kale.
Madaxa UNHCR ee Somaliland Mr. Frantile Andebalema, waxa uu sheegay inay u diiwaangashan yihiin ilaa 1,800 boqol oo Qaxoonti iyo ilaa 20,000 kun oo Magangelyo-doon ahi. “Waanu ku faraxsanahay in aanu xuskan la dabaal-degno,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in dabaal-degan ay ka qaybgaleen ilaa 500 boqol oo qof oo ka mid ah qaxoontiga dalka ku sugan, kuwaasoo goobtaas ku soo bandhigay waxyaabo ka mid ah alaabooyinka iyo cunnooyinka dhaqanka u ah dalka Itoobiya, iyadoo ciyaaraha ay gaarka u leeyihiina halkaas lagu soo bandhigay.
Waxa uu sheegay in dadka ka soo qaxay Koonfurta Soomaaliya oo uu rejeeyay inay laabtaan, maadaama ay haatan xaaladu soo hagaagayso, ay ka badan yihiin kuwa ku barakacay Somaliland gudaheeda, ka dib markii ay abaaruhu asiibeen.
Dhinaca kale, koox weriyeyaal ah ayaa booqday goob hoy u ah oo ay isku urursadeen Qaxoonti tiro badan oo ku taala magaalada Hargeysa.
Goobtan oo ah guri markii hore loogu talogalay in guddiga dadka Qaxoontiga ah uu xafiis u noqdo, waxay dawladdu bishii January 2012 ku amartay inay ka guuraan.
Laakiin, gurigaasi waxa uu hadda hoy u yahay qoysas tiro badan oo Qaxoontiga ah, kuwaasoo inta ugu badani ka yimaadeen dalka Itoobiya. “Inkastoo ay maalintii Qaxoontiga Adduunka tahay oo ay kuwo badan oo ka mid ah Qaxoontigu faraxsan yihiin, haddana anagu waxaanu ku xusaynaa murugo,” ayuu yidhi mid ka mid ah inuu magaciisa sheego oo u hadlay dadkaas.
Waxa uu sheegay in goobtaasi hoy u tahay 1551 qoys oo isugu jira dad Qaxoonti ah iyo kuwo Magangelyo-doon ah, kuwaasoo uu xusay in muddo 8 bilood ah ay halkaas fadhiyeen.
Mar la waydiiyay waxa ay ka cabanayaan, waxa uu ka cawday amni-darro iyo in dawladdu dhiibtay 20 qof oo guddi u ahaa iyo laba carruur ah. “Weli ma hayno meel la geeyay,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in goobtan ay ku dayacan yihiin, ayna ku jiraan nolol aad u qalafsan, isla markaana ay kaga dhinteen 16 carruur ahi.
Goobtaas waxa is dul-dhooban dad tiro badan oo carruur tiro badanina ku jiraan, iyadoo dayacna ka muuqdo muuqaalkoodu.
Haddii aan wax laga qaban, goobtan ay Qaxoontiga iyo Magalgelyo-doonka tirada badani ku urureen, waxa ka dhalan kara caafimaad-darro saamaysa bulshada kale ee caasimadda ku dhaqan.
Qurbejoog.com, Hargeysa