Shirka London:TFGda oo Goal Siyaasadeed ka dhalisay Somaliland
London June 20,2012(SDN)-Shirka wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu wado in uu maanta ka furmo London ayaa weji cusub yeeshay ka dib kolkii DFKMG ahi ay wadahadalada u soo dirsatay wefdi uu hogaaminayo wasiirka ariimaha Gudaha Md Cabdisamed Maxamuud Xasan.
Arintan ayaa waxa ay muujineysa sida DFKMG ahu ugu aragto in Somaliland tahay gobol ka mida Soomaaliya.
Sidoo kale arintani waxa ay muujineysaa sida Somaliland aaney uga fiirsan muuqaalka ay yeelan karaan kulamada labada dhexmaraya.
Halka ay Somaliland uga mashquuleyso in DFKMG ahi soo xulaneyso dad ka soo jeeda Somaliland waxa ay aheyd in ay eegto muuqaalka guud ee Shirku yeelan karo.
Somaliland ayaa shirka u soo xushay wufuud uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha Dibedda.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com