Ururrka Sama Falka Ah Ee Haldoor-Org (NGO), Waxa uu Xilkii Ka Qaaday Xubno Baal Maray Sharcigii Ururrka
Ururka Wadaniga ah ee dhanka Samafalka ku firfircoon ee Haldoor ayaa fariin uu na soo gaadhsiiyay waxa uu ku shaaciyay xilal laga xayuubiyay masuuliyiin ku tagri falay hawshii loo igmaday.
Habdhaqanka Masuuliyiinta xilka laga xayuubiyay oo aan Sunne u aheyn Ururka ayaa sabab wargelinta xil ka xayuubintan
Dhanbaalka Haldoor bulshada u soo qadimeen ayaa kiyoo dhameystirani sidan u qornaa;
Ref…/ Hal-door. 19/06/12
Uj: Xil ka qaadis
Haldoor waa NGO ka diiwaan gashan dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Waxa ururrku uu u adeegaa danyarta JSL, dhamaanteed waxaanu ka kaalmeeyaa baahiyahooda kala gedisan ee u baahan in gacan laga siiyo. Ururrku waxa uu leeyey Sharci qeexaya habsami u socodkiisa.
Ururka Hal-door, sharcigiisu waxa uu dhigayaa in xilka laga xayuubin xayuubin karo cid wal oo ku tacadida ama ugu dhaqanta si ka dhan ah sharciga ururrka.
Sidaa darteed waxa aanu u sheegayanaa dhamaan xubnaha ururrka iyo dadweynaha JSL in ururrku uu xilkii ka qaaday xubno ku kacay falal aan waafaqsaneyn sharciga.
Xubnahaas waxa Boad of Directror-ka ururrka iyo iyo guddida ururrku ay ku soo oogeen danbiyadan hoos ku xusan.
1- Lunsasi Hantida Ururku uu Leeyahay
2- Ka been abuurasho iyo khalkhal gelin howl maalmeedada ururrka iyo
af-lagaadeynta xubno ka mida ururka iyo Gudoomiyaha
3- Kala jajabinta Xubnaha Ururka Hal-door
Sidaas daraadeed markii mudo laba bilooda la dersayey ficiladooda
baal marsan sharciga ururrka ayaa goaan kaa rasmiga ah laga qaatay iyadoo loo adeegsanayo sharciga ururrka Haldoor. Waxaanu si rasmi ah uu hogaanka ururrku u cadeynayaa in xilkii uga xayuubiyey xubnahan magacyadoodu hoos ku xusan yahiin.
1- Khadar Maxamed Ciise.Gudoomiye ku xige
2- Hasan Ismacil cali, madaxii waaxda R.R.D
3- Zakariye Dayib Maxamed, xubin
4- Mustafe Maxamuud xubin
Waxa shir maanta ay iskugu imaadeen xubnaha ururka hal-door ee boardka ay ku ansaxiyeen xilka ka qaadida 4taa xubnood ee ku kacay falalka ay ku waayeen xilalkii iyo xubinimadii ay ururka u hayeen.
Magacyada Boardka Iyo Agaasimaha ururka
1-Asad Yousuf Ismacil (Gudomiye)
2- Deeq Cismaan Daahir ( Agaasime)
3- Fadxiya Yusuf Xuseen ( Xog-haynta Ururka)
4- Xamda C/raxmaan Digaagle (finance)
5- Hoodo Ayaan Suldaan Aadan Farax ( Af-hayeenka Ururka
6- Muna Maxamed Daahir ( Xidhidhiyaha-caalamiga )
7- Amiin Daahir Caynaanshe Bod(Xubin Board-ka ah)
8- Xamse Suldaan Aadan Faarax ( Madaxa Waaxda Waxbarashada)
9- Ciid Maxamed Kaahin ( Waaxda Qiimeynta iyo daba galka)
10- Siciid Cabdi Dheen Wakiilka Uk )
11- C/shakuur Maxamed Cismaan ( Xubin Board-ka ah)
12- Jamaal Jaamac dhancade ( Xubin board-ka ah)
13- Nasriin Cismaan Xaaji ( xubin board-ka ah)
14- Saynab Cabdi Cali ( xubin board-ka ah)
15-Mustafe Maxamed Cali ( Wakiilka Canada)
Dhamaan xubnaha Boardka Ururka Hal-door oo ka wakiila dhamaan xubnaha Guud ee Ururka kuwaasoo dalka iyo dibadiisaba jooga waxay mar kale cadeynayaan iney xilkii ka qaadeen 4ta xubnood ee magacyadoodu kor ku xusan.
Note: Waxan usheegeynaa Dhamaan Shacbi weynaha reer S/land ee ku sugan dalka iyo dibadiisaba in aaney 4taa xubnood ee sare ku xusan ka mid ahayn Ururka Hal-door, Kuna hadli karin Afka Ururka Hal-door. Wa dhaqan u baahan in dhan looga soo wada jeesto gaarna loo faquuqo cid wal oo danta guud iyo ta bulshada baahan ba ka hor imanaysa.
Allaa Mahad Leh
Gudomiyaha Ururka Hal-door
Asad Yuusuf Ismail (Nirig)
Allah Mahada Iska Leh.