Xaalada Caafimaad ee Madaxweyne Mubaarak ooaan Dhana Jirin
Qahira June 19,2012(SDN)-Iddaacadaha dawlada dalka Masar ayaa goordhaweyto shaaciyay in madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Xusni Mubaarik uu goor dhaweyto Geeriooday.
Madaxweynaha ayaa in mudo ahba ku jiray xaalad caafimaad daro oo ay uga dartay maxkamado joogta ah oo ku socday.
Waxaanu maalmihii u danbeeyay ku jiray xaalad Miyir doorsan ah oo ay ehelkiisu ka deyriyeen.
Waxa isna goordhaweyto saxaafada u waramay Qareenka Xusni Mubaarik oo sheegay in aanu madaxweynuhu geeriyoon balse uu ku jiro xaalad miyir doorsoona.
Si kastaba ha ahaatee madaxweynihii hore ee Masar ayaa ku jiray in mudo ahba xaalada caafimaad daro oo u muuqata in saacada soo socda dhan uun u dhici doonta.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com