Soomaaliya oo markii shanaad kaalinta 1aad u gashay Qaramada guul-daraystay iyo 9 dal ee ku soo xiga, Deraasad la soosaaray
Washington 19, June 2012 (SDN/CNN)- Lix dal oo Afrikaan ah, ayaa kaalmaha sare ka galay 10 dal ee shaxda sannadlaha ah ee dalalka guuldaraystay ee Adduunka, kuwaasoo ay ku jirto Soomaaliya oo markii shanaad 1aad ku hoggaaminaysa.
Sida lagu faafiyay barta Internetka ee Telefishanka CNN, Soomaaliya waxay si xidhiidh ah sannadkii shanaad kaalinta 1aad u gashay shax-sannadeedka dalalka guul-daraystay ee dunida, maadaama ay ka sii socdaan kala-dambayn la’aanta iyo Budhcad-badeeda ka dilaacday.
Warbixintan oo ay soosaartay hay’ad samofal oo ka shaqaysa Nabadda oo fadhigeedu yahay Washington, waxa daabacay Wargeyska The Foreign Policy Magazine oo ka soo baxa dalka Maraykanka.
Siday hay’addu sheegtay, Soomaaliya waxay sannadkan 2012 kaalinta koowaad ee 10 dal ee fashilmay u gashay, sababo la xidhiidha; kala-dambayn la’aanta baahsan, in aanay ka jirin dawlad xoogan, Argagixisada, kacdoonada, dambiyada iyo weerarada caddaanka ah ee Budhcad-badeeda ee ka dhanka ah maraakiibta ajaanibka.’
Shax-sannadeedkii 8-aad ee kooxdu samaysay oo 177 dal saameeyay, waxay sannadkan muujisay in 10-ka dal ee fashilmay kala yihiin;
1) Somalia
2) Democratic Republic of Congo
3) Sudan
4) Chad
5) Zimbabwe
6) Afghanistan
7) Haiti
8) Yemen
9) Iraq
10) Central African Republic.
Warbixintu waxay xustay in dalal dhawr ah oo sannadihii u dambeeyay liiskan ku jiray, ay hadda ka baxeen, sida Haiti, Pakistan (dalka Baakistaan 2012 waxa uu galay kaalinta 13aad), iyo kuwo kale, iyadoo dalka ugu degen ee kaalinta 177aad galayna ay warbixintu tilmaantay inuu yahay wadanka Finland.
Qurbejoog.com, Washington
editor@somalidiasporanews.com