|

Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo markii u horeysay beri ka furmaya meel ka baxsan London iyo faahfaahin ku saabsan qaabka uu u dhacayo

Hargeysa 19, June 2012 (Qurbejoog.com)- Guddiyo toban xubnood ah oo Somaliland iyo dawladda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya u saareen wejiga koowaad ee wadahadalkooda ku saabsan waxa uu noqonayo xidhiidhkooda mustaqbalka.

Wada-hadalku waxa uu subaxnimada beri ka furmayaa meel duleedka u ah magaalada London ee dalka Ingiriiska, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee dawladda Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Wasiirku waxa uu sheegay in guddi shan xubnood ka kooban oo dawladda TFG ee Somalia u saartay inay wada-hadalka wejiga koowaad u metelaan dhinacooda, ay caawa fiidkii ka duuleen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayna guddiga shanta xubnood ah ee Somaliland metelayaa ay galabta ka dhoofeen Addis Ababa.

Waxa uu sheegay in labada dhinac Arbacadda beri subaxnimadii wada-hadalku uga furmi doono meel ka baxsan magaalada London, halkaasoo uu laba maalmood oo wada-hadal toos ahi uga bilaabmi doono, sida uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Soomaaliya u sheegay idaacadda VOA. “Wada-hadaladu waxay ka dhacayaan meel ka baxsan magaalada London oo ay wasaaraddu (Khaarajiga UK) leedahay,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu intaa ku daray, in beesha Caalamka, sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, dalalka Britain iyo Norway oo shirkan abaabulaya iyo dhinacyo kale goobjoog ka noqon doonaan wada-hadalka. “Waxa uu noqon doonaa wada-hadal ay bulshada Caalamku goobjoog ka noqon doonaan,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay, in goobtaas magaalada ka baxsan loo tegay, si loo helo waqti fiican oo lagu wada-hadalo, iyo in labada dhinac si gaar ah u wada-hadli karaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud oo la waydiiyay, sababta ay beesha caalamku goobjooga u noqonayso, maadaama ay labada dhinac oo Soomaali ahi si gaar ah afkooda ugu wada-hadli karaan, wuxuuna sheegay in badi wada-hadalka labada dhinac dhexmarayaa uu noqon doono mid afka Soomaaliga lagu wada-hadlayo, marka laga tago waxyaabaha hab-maamuus ahaan luuqada Ingiriisida lagu hadlayo, si loola socodsiiyo bulshada caalamka ee shirka goobjooga ka noqonaya. “Marka waxyaabaha baratakoolka laga tago, waxaanu ku wada hadli doonaa afkayaga hooyo ee Soomaaliga….Muhiimadu waxa weeye, in labada dhinac ay soo bandhigaan waxyaabaha ay danaynayaan,” ayuu yidhi.

Mar la sii waydiiyay muhiimada uu wada-hadalka Somaliland iyo dawladda Soomaaliya ee TFG xilligan leeyahay, maadaama ay jiritaanka dawladda Muqdisho ku egtahay bisha August ee soo socota, waxa uu ku jawaabay; “Wada-hadalku wuu sii socon doonaa, haddii xukuumaddan la bedelana, xukuumadda timaada ayaa halkaas ka soo ambaqaadi doonta.”

Muddo 21 sannadood ah, waxa uu kulanka beri labada dhinac u furmayaa uu noqonayaa kii u horeeyay ee ay si toos ah Somaliland iyo Soomaaliya u yeeshaan, si ay uga wadahadlaan xidhiidhkooda mustaqbal.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed