Hargeysa Yaaney Cid kale iska Sharixine,Shaqaaleynta ka Warama?
Hargeysa June 19,2012(SDN)-Waxa maalmihii u danbeeyay siyaasada Somaliland si weyn loo hadal hayay ka hadalka cida xaq u leh in ay isa soo sharaxdo golleyaaasha degaanka Hargeysa.
Hadal heyntaasi waxa ay cirka isku shareertay ka dib kolkii sadex ka mida xildhibaanada gollaha degaanka ee magaalada Hargeysa ay dhawaan ku celiyeen in aaney habooneyn in cid aan magaalada ka soo jeedin aan laga sharaxin.
Balse kolka aad eegto baahiyaha dhabta ah ee ka jirta magaalada Hargeysa waxa ugu weyn shaqa la’aanta heysata dhalaanka magaalada.
Intan danbe waxa Somaliland ay fursad u heshay fursado shaqaaleyn ah oo beesha caalamku ugu talo gashay in dhalinta lagu shaqaaleeyo.
Fursadaahasi waxa jira cabashooyin tibaaxaya in si gaara oo goboleysi ku dheehan yahay in loo baal mariyo dhalinta u dhalatay Hargeysa.
Hadaba halka xildhibaanada Hargeysa ay ku hadaaqayaan hadalada ay ku dhawranayaa xilalka ay hayaan,waxa ay aheyd in ay eegaan cadaalada dhalaanka Hargeysa ee xuquuqdooda shaqo la baal marinayo.
Tani ma aha micneheedu in dhalinta reer Hargeysa laga hormariyo kuwa gobolada kale ee dalka balse waa in fursadaha shaqo ee degaanka kajira tixgelin gaara loo siiyo dhalinta degaankaas ku dhaqan.
Masuuliyiintuna ay garwaqsadaan xilka ka saaran in aaney dhalinta dalku dareemin in lakala jecleysanayo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com