South Africa:Soomaali dilal fool xun Geystay oo Maxkamadi Xabsi u tabaaxtay
Thohoyandou June 19,2012(SDN)-Maxkamad ku taal dalka Konfur Africa ayaa xabsiyo dhaadheer ku ridey laba nin oo Soomaali ah oo dalkaa ku dilay nin kale oo Soomaali ah qaar kalena dhawaacay.
Ragan oo la kala yidhaa Cagoole Cabdi Jimcaale iyo Maxamed Muqtaar ayaa maxkamadu dhegeysatay sida ay u dileen jirkiisana u googooyeen marxuum Maxamed Cabdulaahi Cadoow.
Qareenka Ragan Philemon Sengani oo maxkamad ayaa maxkamada ka hor sheegay in Ragan ay ka xun yihiin sida ay wax u dheceen iyo in reeraha Soomaaliyeed ay ka wada xaajoodeen dilka kana heshiiyeen isla markaan ay ragani ganacsato yihiinin la sii daayo.
Qareenka Marxuumka Ratshilumela Makhera ayaa gebi sheegayshadaa waxba jiraan ku tilmaamay.
Xaakimka dhegeystay dacwada Mr Kganyago ayaa sheegay in dilkani ahaa mid aad u fool xun,isla markaana ragan ku riday xukun xadhiga oo 25 sanadooda.
Xaakimku waxa uu intaa raaciyay in aan ragan la sii deyn ilaa ay ka soo laacaan 20 sanadood oo ka mida 25ka sanadood.
Ismaciil Calasoow oo ah marxuumka walalkii ayaa xukunka dabadii sheegay in uu ku faraxsan yahay goaanka maxkamada.
SDN-Thohoyandou
contact@somalidiasporanews.com