|

Guddoomiye ku-xigeen cusub oo loo magacaabay gobolka Sanaag ee bariga Somaliland

Hargeysa 18, June 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddoomiye ku-xigeen cusub u magacaabay gobolka Sanaag, ka dib markii uu dhowaan geeriyooday guddoomiye ku-xigeenkii gobolkaasi.

Sida lagu sheegay qoraal galabta ka soo baxay Madaxtooyada, Madaxweynuhu waxa uu guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag u magacaabay Ismaaciil Cabdi Xasan Maxamed, wuxuuna qoraalka magacaabistaa lagu shaaciyay u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1159/062012, ku magacaabay Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee JSL.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                   Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:           Ahmiyadda uu Gudoomiye ku xigeenka Gobolku uu u leeyahay dhismaha Qaranka.

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag;

Markuu La Tashaday:      Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu ku Qancay:          In uu buuxin karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ismaaciil Cabdi Xasan Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee JSL.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed