|

Lawya-caddo: Xaddiga Maandooriye ka soo gudbay Jabuuti oo ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland gacanta ku dhigeen iyo cidda lagu qabtay

Lawya-caddo 05, June 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee  gobolka Awdal, ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha Xashiishada loo yaqaan iyo laba nin oo siday.

Siday idaacadda dawladdu ku warantay, labadaa nin waxay Maandooriyahaa ka soo talaabiyeen dhanka dalka Jabuuti, waxaana gacanta lagu dhigay xilli dambe oo xalay ah.

Waxa la sheegay in xaddiga Maandooriyaha la qabtay uu dhan yahay 25 KG oo ah Xashiishad ah, iyadoo ninka watay oo magacyadooda lagu sheegay Cabdi Jaamac Cabdille iyo Axmed Cabdi Faarax hadda lagu hayo saldhiga magaalada Lawya-caddo oo u dhow degmada Saylac ee xeebta gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland.

Ma cadda halka ay nimankaasi ay doonayeen inay u iib-geeyaan Maandooriyahan halista ah, waana markii u horeysay ee ciidanka ilaalada xeebuhu sheegaan inay qabtaan Maandooriye ka soo gudbay dhinaca dalka Jabuuti.

Qurbejoog.com, Lawya-caddo

Comments are closed