Hargeysa: Xuska Maalinta Deegaanka oo si wayn loogu dabaal-degay (Daawo Sawirada)
Hargeysa 05, June 2012 (Qurbejoog.com)- Xuska maalinta caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka, ayaa maanta si wayn looga xusay Somaliland, taasoo sannad kasta 5 Juun loo dabaal-dego.
Xuskan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland, waxa gacan ka gaystay hay’adda dhanka Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.
Munaasibad maalintan lagu waynaynayo oo maanta lagu qabtay Hargeysa, waxa ka qaybgalay wasiirada Deegaanka, Beeraha, Kalluumaysiga, maayarka caasimadda, masuuliyiinta FAO iyo martisharaf kale.
Ugu horayn, Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Maxamuud Faarax oo hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu sheegay in sannadkii 1972 ay Qaramada Midoobay 5 Juun u aqoonsatay maalinta xuska Deegaanka, iyadoo ujeedaduna tahay si la isugu baraarujiyo wax ka qabashada dhibaatooyinka Deegaanka Adduunka, loona daryeeli lahaa.
Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Maxamuud Geedoole oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu ku dheeraaday muhiimada ay dhirtu u leedahay aadamaha. “Noloshu dhinac kasta oo laga eego waa dhirta, wax kasta oo la cunaana waxa uu ka yimaadaa dhirta, ama mid wayn ka ahaato ama mid yare, markaa waa in aynu tixgelino dhirta,” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka Deegaanka Somaliland Maxamuud Siciid Gacamay oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in munaasibaddan awgeed, ay labaatan kun (20.0000) geed kala duwan ah u qaybiyeen gobollada Hargeysa, Togdheer, Awdal iyo Saaxil. “Waxaanu ugu talogalay in aanu xuska kaga qaybgalo dhirtan aanu beernay, dadkana waxaanu ku wacyigelinay inay dhir beerista ka qaybqaataan,” ayuu yidhi wasiir Gacamay.
Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Cabdi Axmed (Gurey), madaxa FAO xafiiskeeda Somaliland Maxamed Jaamac iyo Cabdi Saxardiid oo ku hadlayay magaca UN-ka, goobtaasna ka akhriyay farriin uu maalinta ugu talogalay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com