|

Lula Julian oo quus goysay Qurbomeer State

Maamulka dibad wareega ah ee Qurbomeer State ayaa dhib aad u weyn kala soo gudboonaatey magaacibista safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya Ottawa, marwo Lula Axmad Cismaan oo loo yaqaano Lula Julian. Lula waxa weeyey marwo ka soo jeeda beel iyo qoys sharaf leh oo aad looga yaqaano deeganada Somaliland iyo Jabuuti.

Lula waxay wax ka baratay jamacado badan iyadoo kasoo shaqeysay wadanada Jabuuti France iyo Canada. Shaqooyinka Lula Julian ay soo qabatay waxaa weeye gabi ahaan shaqooyin professional ah oo khibrad iyo xirfad u baahan.

Magacaabista Lula Axmad Cismaan Julian loo magacaabay ayaa run ahaantii quus goysay tageerayaasha sii dhamaanaya ee Qurbomeer State. Sadex cisho kadib xaflad loo qabanqaabiyey Lula ayaa waxaa ku kulmay dad gaadhaya 500 oo qof taaso ku tusaysa tageerada baahsan iyo xushmada Lula ay ku leedahaya dadweynaha Somaliland ee degen Ottawa.

Dhowr cisho kadib Lula ayaa rayn rayn iyo sacab aan kala go’ayn lagu soo dhoweyey Lula marki ay ka soo jeedisay khudbad qiimo leh  Xafladii 18 May ee ka dhacday Ottawa.

Lula Julian intii koobnayd ee ay hayso jagadda safiirnimada waxay muujisay dadaal iyo waxtar la taaban karo. Waxay si qurux badan u soo qaban qabisay  hogaamiyana ka ahayd baroordiiqii loo qabtay CabdiShakuur Cali Joohar. Waxaa sidoo kalena ay Lula ka qayb gashay xaflad loo qabtay safiirada Afrika ee fadhiya Ottawa.

Horjoogaha Qurbomeer State, Qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi iyo gacanyarahiisa sakhraan Saleebaan Cabdi Dugisye ayaa markiiba dareemay khatarta weyn ee Lula ku hayso mashruucooda budhcad garoobeedka ah oo ay dumarka Ottawa ku badhaan.

Markiiba waxay Qurbomeer Rashiid iyo sakhraan Saleebaan suqyada  Ottawa geliyeen cay iyo aflagaado ay u soo jeediyeen marwo Lula. Markii ay taaso socon weydey ayuu Qurbameerku isku maaqiiqay Turkey isagoo leh waxaan ka qeyb galayaa shir laakin lawada ogyahay inuu shirkaasu dhamaadayba.

Jahawareerka lasoo gudboonaday Qurbomeer State waxaad ka arkaysa xafladii ay ka sameeyeen Ottawa sabtidii. Mar aan soo eegay xaflada waxaa joogay in ka yar 50 qof, wax rag ah waxaa jogay 10 qof oo u badan dhalin yaro ka soo jeeda  goboladda Puntland iyo kilinka shanaad.

Magalada Ottawa oo ay ugu badan yihiin dadweynaha ka soo jeeda Awdal, Salal iyo Gabiley ayeyna haba yaratee ayna ka joogin wax rag ah. Anigu marnaba waan arki waayey haba noqotona midnabee rag ka soo jeeda Awdal, Salal iyo Gabiley xafladii Ottawa. Waxaabad moodaysay xaflad Puntland iyo Gedo ah, macaa qofkii  meesha ka heesaayay kama u soo jeedin Awdal, Salel iyo Gabiley.

 

Comments are closed