|

ABU-DARDAA R.C. SAAXIBIL RASUULLULAHAA S.A.W. IYO QUDBADIISII XIKMADA IYO CAJIIBKA BADNAYD

DHAMAAN MAHAD ILAAHAY BAA ISKA LEH INTAASI KA DIB

Waad salaamantihiin dhamaantiin wariyayaasha iyo akhristayaashaba

Waxaa muhiin ah inaynu meel kastoo aynu joognaba iyo xili kastoo aynu joognaba inaynu mar walba taariikhda asxaabta rasuulka s.a.w. ay dhexdeena ku dhex noolaato hadal hayntoodu waayo waa xiddigo efaya iimaanka muuminkana siyaadiya wadadooyinka janadana kugu ridaya waana saaxiibo wanaagsan oo kugu mashquulinaya sidii aad ayaamaha aad adduunka joogto aad camalkaaga aakhiro u sii siyaadin lahayd waqtina kaaga lumen

Waxaa maanta inoo diyaar aha saxaabiga caanka ah laguna yaqaanay xikmada cilmi badana lahaa ilaa haddana cilmigiisii dib loogu maraajicis tago ayaa waxaa aan soo qoray qudbad uu ka jeediyey shaam

Taas oo markaasi reer shaam adduunkii qaatay iyo iskugu faankiisii caruurta iyo daaraha ayaa loogu diray si uu u soo waaniyo sidan bayna qudbadiisii un dhacaday

KHayrku ma aha  un xoolahaagu bataan iyo caruurtaadu ,khayrku wuxuu ku jiraa in dul-qaadkaagu in bato ,aqoonta ilaahayna inaad badisid , iyo inaad dadka kula tartantid cibaadada ilaahay ,

Waxaad tihiin reer shaamoow walaaladayao xaga diinta dad jiiraan ahna waan nahay , haddii cadow na soo galena noo soo gurmanaya ,

Laakiin waxaan idiin arkaa buu yidhi (dad xishoodkii ka tagay)

Waxaad ururinaysaan wax aydaan cunayn

Waxaad dhisaysaan guryo aydaan galaynin

Waxaad rajeynaysaan wax aydaan u shaqayasan ama aydaa gaadhi karaynin

Quruuntii hore ee idinka horaysey way ururin jireen hamigooda oo dhana adduun buu ahaa

Waxay dhiseen iyo adduunkooda ayey daawan jireen (kuna faani jireen)dhismahaa ay dhiseena aad iyo aad bay u jeclaayeen ilaa xad

Waxaa  ay ururiyeen oo dhami waxaa uu noqday ( baabai)

Amalkoodiina waxaa uu noqday faan been ah ,guryihii ay dhisteena  waxay noqdeen xabaalahoodii kuwaasina waxay ahaayeen QOOM CAAD waxay buuxiyeen ilaa cadan ilaa cumaan xoolo iyo dhismayaal cajiib ah iyo caruur yaa maanta igaga gadanaya( 2dirhama buu yidhi abu dardaa )

Waxay taasi ku tusin adduunyada iyo siday ku dhamaato iyo dhalaalkeeda iyo dhalnteedkeeda  alle ha inaga dhigo kuwa wax kala soo dhex baxa cilmiga abuu dardaa r.c.

Sidaa iyo nabad gelyo

Fuad jawi

Ottawa Canada

 

Comments are closed