|

Madaxweyne Siilaanyo oo dhambaal tacsi ah u diray golaha Guurtida Somaliland oo xubin ka tirsanaa shil Baabuur ku geeriyooday

Hargeysa 03, June 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray golaha Guurtida iyo ehelada uu ka baxay marxuum Ismaaciil Xaaji Cabdi Ducaale oo ka tirsanaa xubnaha golahaas.

Marxuumka xildhibaan Ismaaciil Xaaaji Cabdi Ducaale oo maanta lagu aasay magaalada Hargeysa, waxa uu ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya magaalada Berbera iyo degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, wuxuuna dhambaalkaas tacsida ah ee Madaxweynuhu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN ISMAACIIL XAAJI CABDI DUCAALE, oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, oo ku geeriyooday (03.06.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Berbera iyo Sheekh, waxaana lagu aasay Maxuumka Magaalada Hargeysa.

Madaxweynhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuumka. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed